Maxamad Siciid Moorgan oo looga adkaadey kursigii aqalka sare

Image
Image

GAROWE, Puntland- Maxamad Siciid Morgan oo u tartamayey aqalka sare ee Barlamanka Somalia ayaa lagaga adkaadey doorashada musharaxiinta oo ka dhaceysa xarunta aqalka wakiilada Puntland ee magaalada Garowe.

Codbixinta oo dhowaan soo dhamaatey ayaa Botaan Barre Samatar waxaa uu heley 38 cod halka Gen. Morgan coddadka mudanayaasha ka heley 27 cod.

Botaan Barre Samatar ayaa horey ugu jirin siyaasada Somalia isagoo wararku sheegayaan Inuu yahay Ganacsade muddo ku noolaa wadanka dibadiisa.

Kurisigaan oo ahaa kii ugu hadlayanta badnaa ayaa cidbixintaan waxay imaaneysa xilli General Morgan iyo xubno kale xafiiska  QM ee Somalia u diidey Iney kamid noqdaan aqalkaan.

Barlamanada maamulada Galmudug iyo Jubaland ayaa iska dhagatirey dalabka ka yimid xafiiska qaramada midoobey ee Somalia kuwasoo xildhibaano aqalka sare u doortey 2 xubnood oo xanibaad lagu soo rogey.

Doorashada Barlamanka aqalka sare oo socota ayaa la filayaa in maanta soo dhamaato iyadoo la filayo in 11 xubnood ee maamulka Puntland u matalaya aqalka sare la doorto.

GAROWEONLINE 

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM