​Maxamed Cali Farax "Dadka xabsiyaa ku jira ee Qur'aanka barta xukunka waa laga khafiifiyaa"

Image

GAROWE- Agaasimaha Guud ee wasaaradda Cadaaladda Puntland Maxamed Cali Faarax, ayaa sheegay in dadka ku jira xabsiyada Puntland la baro Qur'aanka Kariimka iyo micnahiisa, isagoo tilmaamay in taas u jeedkeedu tahay sidii loo dhiiri galin lahaa barashada Qowlka EEBBE.

Wuxuu sheegay inay dadaal ku bixiyaan sidii culimaa'uddiinka Puntland loogu gayn lahaa maxaabiista iyadoo laga duulayo sidii dambiilayaasha loo fahamsiin lahaa in Qur'aanku naxariisyahay oo ay kaga waantoobaan falalkii ay sameeyeen.

Maxamed Cali Faarax, oo ka hadlayay xaflad lagusoo xirayay tartan Qur'aanka Kariimka ah oo ka dhacday magaalada Garowe kaasi oo uu ka qayb galay madaxweyne Gaas, ayaa carrabka ku dhuftay in shakhsiyaadka Xifdiya Qowlka EEBBE, loo keeno Madaxweynaha Puntland si looga Khafiifiyo xukunkii lagu riday.

"Waxaannu qorshe u samaynay qof allaale qofkii xabsiga ku jira oo Qur'aanka xifdiya inaan u gayno madaxweynaha dowladda Puntland, si looga khafiifiyo xukunkii lagu riday, taasi marka waxay noqonaysaa inay ku dhiirradaan in Qur'aanka ILAAHAY bartaan macnahiisana la baro,"Ayuu yiri Maxamed Cali Faarax, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Cadaaladda Puntland.

Xabsiyada Puntland ayaa waxaa ku xiran maxaabiis tiro badan oo dambiyo kala duwan ku loo haysto, balse ma sheegin Agaasimuhu kuwa xukun laga khafiifinayo inay kamid yihiin kuwa dambiyada adag ku lug lahaa.

HALKAN KA DAAWO KHUDBADDA AGAASIME MAXAMED CALI FAARAX UU KA JEEDIYAY XAFLADDA XIRITAANKA TARTANKA

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM