Xukunkii dilka toogashada ee kiiska kufsiga Caasha oo la ayiday

Image

GAROWE, Puntland - Maxkamada Racfaanka Gobolka Nugaal ee Puntland ayaa maanta oo Axad ah ayiday xukunkii dilka toogashada ee garka loo geliyey saddexda ruux ee ay ku cadaatay dambiga kufsiga iyo dilka ee Caasha.

Saddex shaqsi oo dhamaantooda ah rag waaweyn ah ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Cabdishakuur Maxamed Dige, Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame.

Maxkamada Darajada Koowaad ee gobolka Nugaal ayaa bishii Maaj ee sanadkan 2019 waxay dil toogasho ay ku riday raggaan, kadib markii lagu helay dambiga ayna xeer-ilaalinta soo bandhigay caddeymaha dhameystiran.

Xeer-beegtada Racfaanka oo sheegtay in raggaan ay mar kale dafireen in ay falka geystay ayaa tilmaamay in baaritaano iyo xog uruurin badan oo ay sameeyeen kadib ay kusoo baxde xaqiiqadda.

Caddeymaha ay la yimaadeen dacwad oogeyaasha ayaa isugu jira dhecaano laga qaadey xukumaneyaasha iyo DNA-ga si lamid ah qiraalo laga qoray wallow ay sheegeen in aysan wax dambi ah gelin.

Caasha Ilyaas Aadan oo ahayd gabar 12-jir ah isla markaana ku jirtay heerka dugsiga dhexe ayaa bishii Febraayo lagu afduubtay Gaalkacyo kahor inta aan la faroxumeyn, la jirdilin kadibna iyadoo meyd ah aan la helin.

Hay'addaha amaanka ayaa in ka badan 10 ruux u soo qabtey gal-dacwadeedkan, kuwaasi oo baaritaano kadib uu kiiska lugaha lasoo galay saddex shaqsi ee xukunka lagu riday.

Xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Deni ayaa horey u balanqaadey in ay fulin doonto xukun kasta oo ay hay'addaha garsoorka ku ridaan kiiskan aadka isha loogu hayo.

MUUQAALKA MAXKAMADA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM