Xiliga go'aan laga gaarayo racfaanka kiiska Caasha oo la muddeeyay

Image

GAROWE, Puntland – Maxkamada Racfaanka Gobolka Nugaal ayaa maanta oo Sabti ah mar kale dib u dhigtay ku dhawaaqista mowqifkeeda ku aadan racfaanka laga qaatay xukunka dilka ah ee lagu riday kiiska kufsiga iyo dilka ee Caasha.

Xeer-beegtada oo shaacisay in Axadda berri ah ay shaacin doonan go'aankooda ayaa rajeeyay in uu noqdo mid "xaq ah isla markaana ay ku wada qanci doonan guud ahaan dadka daneynaya gal-dacwadeedkan".

Gar-yaqaanada ayaa tilmaamay in sababta xukunka maanta loogu dhawaaqi waayey ay tahay si loo hubiyo isla markaana latashi fara badan la geliyo maadaama kiiska uu yahay mid aad u culus.

Fadhiyadii lasoo dhaafey oo uu ku jiro kii maata waxaa ka hadlay qareenada iyo dacwad oogeyaasha, kuwaasi oo doodooda ku saleysneyd caddeymaha si gaar ah dhecaanada laga qaadey xukumaneyaasha.

Xeer-ilaalinta ayaa qiil waxay ka dhiganeysa in lasoo baarey DNA-ga raggan isla markaana natiijada ay muujineyso in ay la fal-galaan.

Balse qareenada ayaa tibaaxaya in loo diidey in ay arkaan dukumiintiyada iyo buuga caddeymaha si lamid ah in lala kulansiiyo xukumaneyaasha, eedeyn ay iska fogeysay xeer-ilaalinta.

Saddex ruux ayaa dil toogasho loogu xukumay kiiskan kaasi oo xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ay sheegtay in ay fulin doonto xukun kasta oo ay Maxkamada ku rido.

Caasha Ilyaas Aadan, oo ah gabar 12-jir ahayd, taasi oo dhiganeysay dugsiga dhexe, ayaa waxaa bishii Febraayo lagu afduubtay Gaalkacyo, isla markaana la faro-xumeeyay kahor inta aan iyada oo meyd la helin.

Kiiskan oo Soomaalida si weyn uga dhiidhiday ayaa aad loo soo dhaweeyay xukunka dilka toogashada ah ee garka loo geliyey ragga dambiga lagu helay, wallow aad loo dhowrayo go’aanka Maxkamada Racfaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM