​Mayor ku-xigeenkii hore Galkacyo oo maxkamad la hor keenay

Image

GAROWE, Puntland- Waxaa maanta 10 July, 2016 Maxkamadda darjada koowaad ee gobolka Nugal, la horkeenay guddoomiye ku-xigeenkii hore degmada Galkacyo Yacquub Maxamed Cabdalla, kaa oo xeer ilaaliyaha gobolku kusoo eedeeyay inuu uga gafay madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas kadib shir jaraa'id oo dhawaan ku qabtay magaalada Garowe.

Maxkamadda ayaa waxaa ka dhacday dood ay is-weydaarsadeen difaacayaasha Yacquub iyo dacwad oogayaasha kasocda dhinaca dowladda, waxaana qareenka difaacaya Mayor-kii hore Galkacyo uu sheegay inaysan wax gaf ah uusan galin, balse uu ka hadlay fikirkiisa taasina awood u siinayo dastuurka dalka u yaalla, wuxuuna dadkii kasoo qayb galay dhagaysiiyay hadalkii uu ka yiri Yacquub shirkii jaraa'id.

Dood kadib waxaa loo ballamay in la isu soo laabto maalinta Talaadad ee soo socota.

Goobta dacwaddu ka socotay, waxaa soo xaadiray mas'uuliyiin katirsan qaybaha kala duwan ee warbaahinta iyo dhagaystayaal kale oo ka socday bulshada.

Yacquub Maxamed Cabdalla ayaa xiran maalintii Shanaad.

Kiiskan ayaa imaanaya xilli khilaaf xooggan ka dhaxeeyo warbaahinta Puntland iyo wasiirka warfaafinta Maxamud Xasan Soocade, kaasoo ka dhashay arrimo la xiriira madax banaanida warbaahinta, ogolaanshaha xuquuqda hadalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM