​Mooshin laga keenay Duqa degmada Godob-jiiran

Image

GAROWE, Puntland- 14 kamid ah Xildhibaanada golaha deegaanka degmada Godob-jiiraan ee gobolka Nugaal ayaa maanta gudbiyay mooshin ka dhan ah Guddomiyahooda Yusuf Farax Geeso-weyne oo haataan doorashadiisa laga joogo lix bilood.

Mooshinkan oo loo gudbiyay Guddoomiye ku-xigeenka ayaa lagu sheegay in Mr Geeso-weyne kasoo bixi wayay ballanqaadyo uu sameeyay waqtigii lagu jiray doorashada islamarkaana aysan jirin wax shaqo ah oo la qabtay lixdii bilood ee u dambaysay.

Qaar kamid ah Xildhibaanada mooshinka keenay ayaa Radio Garowe u sheegay in Kalfadhigoodii u dambeeyay ku garwaaqsadeen in duqa degmada uusan wax shaqo ah fulin islamarkaana hareer maray sharciga golayaasha deegaanka ee Low No.7.

Eedaha loo soo jeediyay, waxaa kamid ah in duqa degmadaasi uu meesha ka saaray wada-shaqayntii kala dhaxaysay Xildhibaanada islamarkaana ku takrifal awoodeed sameeyay.

Waxaa suuro gali weyday waraysi  GO damcay inuu la sameeyo duqa mooshinka laga keenay.

Arrintan ayaa soo shaac-baxday xill maalmihii u dambeeyay uu socday dhaq-dhaqaaqyo ku aadan mooshinkan iyadoo mar sii horraysay xoghayaha degmada oo la hadlay Radio Garowe uu dafiray inuu khilaaf u dhaxeeyo Guddoomiyaha iyo golaha deegaanka degmada Godob-jiiraan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM