​MUDUG: Goobihii lagu dagallamay oo maanta degan

Image

GALKACYO, Puntland- Warar ka imaanaya deegaanka Docolo oomane oo Koonfur bari kaga aadan magaalada Galkacyo ayaa sheegaya  in xaaladdu maanta dagantahay kadib dagaal faraha la isaga gubtay islamarkaana khasaaro badan dhaliyay oo dhexmaray mallayshiyo beeleed hubaysan oo kasoo jeeday maamullada Puntland iyo Galmudug.

Khasaaro laxaad leh ayaa ka dhashay, waxaana dhimashada labada dhinac kor u dhaaftay 20 halka dhaawacu gaarayo 60.

Isku dhaca beelaha ayaa ka dhashay dhul daagsimeed iyo ismaan dhaaf dhexmaray Xoolo dhaqato.

Majirto cid katirsan labada maamul oo arrintaasi ka hadashay, balse waxaa wararku sheegayaan inay gaareen beelahaasi gurmadyo kasocda labada dhinac.

Baqdin xooggan ayaa jirta oo ku aadan inuu qarxo dagaalkii shalay dhacay oo kale.

Qaar kamid ah dadka deegaanka Dameeraale oo shalay la isku faro saaray ayaa sheegaya in Koonfur Bari Galkacyo laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Dhowr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale isugu dhaceen beelaha dagallamay kuwaasoo ku kulma daaqsinta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM