​MUDUG: Goobihii lagu dagallamay oo maanta degan

Image

GALKACYO, Puntland- Warar ka imaanaya deegaanka Docolo oomane oo Koonfur bari kaga aadan magaalada Galkacyo ayaa sheegaya  in xaaladdu maanta dagantahay kadib dagaal faraha la isaga gubtay islamarkaana khasaaro badan dhaliyay oo dhexmaray mallayshiyo beeleed hubaysan oo kasoo jeeday maamullada Puntland iyo Galmudug.

Khasaaro laxaad leh ayaa ka dhashay, waxaana dhimashada labada dhinac kor u dhaaftay 20 halka dhaawacu gaarayo 60.

Isku dhaca beelaha ayaa ka dhashay dhul daagsimeed iyo ismaan dhaaf dhexmaray Xoolo dhaqato.

Majirto cid katirsan labada maamul oo arrintaasi ka hadashay, balse waxaa wararku sheegayaan inay gaareen beelahaasi gurmadyo kasocda labada dhinac.

Baqdin xooggan ayaa jirta oo ku aadan inuu qarxo dagaalkii shalay dhacay oo kale.

Qaar kamid ah dadka deegaanka Dameeraale oo shalay la isku faro saaray ayaa sheegaya in Koonfur Bari Galkacyo laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Dhowr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale isugu dhaceen beelaha dagallamay kuwaasoo ku kulma daaqsinta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM