MUDUG: Puntland oo ciidamo gaysay Garacad [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Cutubyo katirsan ciidamada Badda Puntland ee loo yaqaano PMPF, ayaa la geeyay deegaan xeebeedka Garacad ee gobolka Mudug, kuwaasoo la sheegay inay samayn doonaan howlgallo amni.

Faah faahin kama bixin dowladda iyo taliska ciidankaas, balse warar laga helayo waxay sheegayaan in ujeedka ciidankan loo geeyay Garacad ay tahay sidii ay uga howgali lahaayeen xeebaha.

Sannadkii hore deegaankan ayaa kamid ahaa meelihii ay kasoo dageen mallayshiyaadkii katirsanaa Al Shabaab ee dagaalka la galay ciidamada Puntland.

Qaar kamid ah shacabka deegaanka ayaa ku waramay in qorshahan uu yahay mid kusoo beegmay waqtigii loo baahnaa maadama dagaallo adag ay kasocdaan Koonfurta Soomaaliya islamarkaana laga yaabo in Shabaab ay usoo firxadaan goobaha nabdoon.

Sawirro lagasoo qaaday ciidanka ayaa muujinayo iyagoo ku gaashaman Qoryaha fudud iyo doonyo dheereeya oo la sheegay inay u adeegsan doonaan howlgalka.

Ilaa hadda majirto waxa howlgal ah oo ay ciidanku ka sameeyeen Garacad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM