​MUQDISHU: Puntland oo ka hadashay cayaarta baaqatay [Dhagayso]

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa maanta lagu waday in magaalada Muqdishu caasumadda Somalia ka dhacdo cayaarta kama dambaysta ah ee koobka maamul goboleedyada kaasoo ay wada dheeli lahaayeen maamullada Puntland iyo Jubbaland.

Balse, cayaartan waxaa dib loo dhigay ilaa maalinta barri oo ku beegan 26 Julay, 2016, waxaana sababta loo baajiyay kasoo baxayay arrimo kala duwan in kastoo Puntland sheegtay inay la xiriirto codsi dhinacooda ka yimi.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda dhalinyada iyo cayaaraha Puntland Axmed Cabdalla Tigaana oo la hadlayay Radio Garowe ayaa ku tilmaamay cayaarta labada dhinac inay tahay mid aad u xiiso badan sidaasi darteed xulka Puntland soo dheeleen kulamo adag islamarkaana ku filnaan weyday hal maalin.

Wuxuu sheegay in go'aankan lagu gaaray kulamo iyo shirar ay la qaateen xiriirka, guddiga farsamada iyo wasaaradda cayaaraha sidaasi awgeed labada dhinac ku hishiiyeen.

Qaab cayaareedkii cayaartoodii  hore ayuu ammaanay Agaasime Tigaane, wuxuuna sheegay inaysan jirin wax dhaliilo ah oo ay ujeediyeen dhalinyarada isagoo ku ammaanay dadaalkii ay soo sameeyeen mudadii socday loollanku.

Maalinta Tallaada ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdishu lagusoo afmeero tartanka koobka maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM