Murashax xubinta Aqalka sare kula tartamayay General Morgan oo is-casilay

Image

GAROWE, Puntland- Maxamuud Cali Saciid (Guumbe),oo kamid aha xubnaha tartanka ugu jiray inay kamid noqdaan dadka Aqalka Sare ee Barlamanka Somalia u matalaya Puntland, ayaa maanta ku dhawaaqay inuu booskaasi iska casilay.

Guumbe, ayaa sababta is-casilaadiisa uga dhigay inuu saluug ka muujiyay sida madaxweyne Gaas u tartansiiyay xubnaha lasoo xulay ee ku jira liiska Aqalka Sare.

Wuxuu xusay in booskaasi kula tartamayo Gen. Moorgan oo beel ahaan aysan isku meel kasoo jeedin, wuxuuna carrabka dhuftay in qorshahan ku yimid kadib kulan ay isugu yimaadeen beeshiisa, sidaas darteed isku afgarteen inay ka haraan doorashada.

Maaha murashaxii ugu horeeyay ee booskaasi ka baxa, balse waxaa horay uga tagay Mahad Cabdalla Cawad oo xubintan kula jiray kaasoo sheegay inuusan soo doonan loollan ee uu raadinayay xubin sharafeed uu ka helo Puntland.

Waxaa sidoo kale is-casilay Yaasiin Cabdi Seed oo booskiisa lagu badalay qof dumar ah, kadib markii madaxweyne Gaas cadaadis lagu saaray inuu liiskan waafajiyo hishiiskii madasha gaar ahaan qoondada dumarka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM