Musharax sheegay inuu yareynayo mudada 'Xilheynta' Madaxweynaha Puntland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharaxa xilka Madaxweyne-nimo ee Puntland 2019 Mudane Maxamuud Khaliif Jabiye ayaa Muqdisho kula kulmay shacabka reer Puntland ee ku sugan Caasimadda Soomaaliya.

Musharax Maxamuud Khaliif Xasan Jabiye, oo Khudbada xasaasi ah jeediyay ayuu kaga hadlay arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin amniga, doorashooyinka, mudada xilheynta Madaxweynaha iyo tayeynta Ciidamada Puntland.

Maxamuud oo Khudbadiisu ahayd mid soo jiidatey dareenka dadkii kala duwanaa ee ku sugnaa xaflada ayaa sheegay inuu yareynayo mudada xilheynta Madaxweynaha hadii uu ku guuleystay doorashada.

"Shan sano waa inagu badan tahay, maxaa yeelay haduu Madaxweyne nagu xumaado waxaan leenahay Xildhibaanada iska daaya waqtigiisa ka dhameystee, taasina waa dhibaato," ayuu yiri Musharaxa.

Musharaxa ayaa dabaalka ka qaaday in mudada xilheynta Madaxweynaha uu ka dhigi doono 4 sano, islamarkaana wax ka qaban doono amniga, isagoo dib u dhis ku sameyn doono Ciidamada kala duwan.

Wuxuu tilmaamay in Puntland ay u baahan tahay hogaamiye keeni kara soo celinta sharaftii iyo kiraamadii ay lahayd, oo leh karti iyo hufnaan kaasi oo shacabka gacantooda kusoo celiyo maamulka.

Musharaxa oo sii hadlaya ayaa xusay in amniga Puntland uu sii daciifayo, oo marba marka ka dambaysa faraha kasii baxaya, isagoo hoosta ka xaqriiqay inay jirto baahi ah in la yagleelo Sirdoon dhab ah.

Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay in Shacabka reer Puntland uga faa'idayn doono Khayraadka uu Alle ugu deeqay ee Badda iyo Bariga ku jira, si maamulka iyo shacabka u gaari isku filnaansho dhaqaale.

Ugu dambeyntii waxa uu Musharax u balan-qaaday Shacabka in uusan qaadan doonin wax mushaar ah, hadii uu Madaxweyne noqdo, isagoo carabka ku adkeeyay inuu wax ka qaban doono musuq-maasuqa.

Hoos ka Daawo Khudbadda Musharaxa oo dhameystiran:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM