Musuqmaasuqa Wasaarada arimaha Gudaha Puntland: Mashruca JPLG [Cadeymo]

Image

GAROWE- Agaasimaha guud ee Wasaarada arimaha Gudaha Maxamed Cali Nuur Juba, oo intii ka horeeysay October 2017 ahaan jiray Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Wasaarada Arimaha Gudaha marna noqdey Agaasimaha Dowladaha hoose ee Wasaaradaas ayaa Hay'ada UNDP in muddo ah waxay ka aheyd dacwo kuwasoo ku eedeeynayey is-daba marin iyo xisaab celin la'aan.

UNDP ayaa ku casuntay Agaasimaha Qorsheynta ahna u qaybsamaha UNDP barnaamijka JPLG ee Wasaarada Arimaha Gudaha u tahay udub dhexaad. Maxamed Cali Nuur Juba ayaa hay'adaan ku casuntey inuu kasoo qaybgalo shir muhiim ah oo ka dhacayey Uganda dhammaadkii sanadkii hore loogana hadlayey arrimo muhiim ah oo khuseeya Barnaamijka Horumarinta Degmooyinka, waxayna akoonkiisa Dahabshiil ugu soo shubeen 50% lacagtii habeen dhaxa, hoteelkii iyo cuntadii 10/7/2017. Mr. Juba kama soo  qaybgelin shirkaas mana sheegin sababta sidoo kalena ma celin lacagtii loogu soo shubay akoonkiisa Dahabshiil.

Afar billood kadib, November 29, 2017, Maamulaha Barnaamijka JPLG Mr. Phillip Cooper ayaa wuxuu usoo diray email Mr. Juba, kana codsaday in Qaybta Lacagaha UNDP kusoo wargeliyeen in lacagtaas aan lasoo celin siddaas darteed ka codsaday inuu soo celiyo lacagtaas. Mr. Juba kama jawaabin codsigaas ah inuu soo celiyo lacagtaas lagu shubay akoonkiisa Dahabshiil. 

December 6, 2017, Mr. Cooper wuxu Mr. Juba usoo diray email xusuusin ah, kana codsaday inuu soo jawaabo sida ugu dhaqsiyaha badan. Mr. Juba kama jawaabin codsigaas labaad, mana celin lacagtaas lagu shubay akoonkiisa Dahabshiil.

December 10, 2017, Mr. Cooper wuxuu Mr. Juba usoo diray email adag, una sheegay inuu fahmo Qaybta Lacagta UNDP ay xaq u leedahay in lacagtaas loo soo celiyo, kaana codsanayaan inaad xaliso arintaas inta aysan xirmin akoonada sanadka. Mr. Juba kama jawaabin codsigaas saddexaad, mana celin lacagtaas lagu shubay akoonkiisa Dahabshiil.

January 31, 2018, Mr. Cooper wuxuu email afraad usoo qoray Mr. Juba, una sheegay inay nasiib xumo tahay inaan lacagtii weli lagu soo celin UNDP hadana uu kasoo laabtay fasaxii sanadka cusub. Wuxuuna ka codsaday Mr. Juba inuu qaado tallaabo deg-deg ah, soona celiyo lacagtaas. Mr. Juba kama jawaabin codsigaas afraad, mana celin lacagtaas. 

February 8, 2018, Mr. Cooper wuxuu u dacwooday Wasiirka Arrimaha Gudaha, wuxuuna usoo diray email una sheegay inuu soo dhexgalo arinta Agaasimaha Guud, lana hadlo Mr. Juba inuu soo celiyo lacagtaas ay ku leedahay UNDP sida ugu dhaqsiyaha badan. Nasiib xumo, Wasiirku kama jawaabin arintaas madaama uu Agaasimaha Guud Mr. Juba ku qanciyey inay khalad tahay celinta lacagtaas, uusana celinayn lacagtaas. 

UNDP oo qayb ka ah Barnaamijka JPLG ee horumarinta degmooyinka ayaa joojisay lacagtii ay ku shubi jirtay Wasaarada Arimaha Gudaha waqti hore, madaama baaritaan ay sameeyeen ku ogaadeen in lacagtoodii la lunsaday, kana dacwoodeen wadashaqeynta Mr. Juba oo u qaabilsanaa Wasaarada Arimaha Gudaha, ayna doonayaan inay inay la shaqeeyaan Waaxda D/hoose oo ay mashaariicdoodu khuseyso, laakiin arintaasna aan la xalin. 

Juba ayaa waqtiyo badan ka codsaday, kuna cadaadiyey Wasiirada kala duwanaa ee soo maray Wasaaradda Arrimaha Gudaha inay u magacaabaan Waaxda D/hoose oo uu Agaasime ka ahaa nin odey ah oo lagu magacaabo Jaamac Xasan Xuseen, laakiin way ka diideen. 

Mr. Timacadde oo Wasaarada Arimaha Gudaha la wareegay August 2017, ayaa u fuliyey Agaasimaha guud ee Wasaarada Juba doonistiisii u hirgeli weyday 10 sano, wuxuuna ka dhigay Agaasimaha Waaxda D/hoose, waxaana meesha laga saaray odaygii la shaqeyn jirey hay'ada UNDP. 

UNDP ayaa qalabeyn, tababaro iyo taageero badan siisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, kuwaasoo la lunsaday maanta aan waxba laga heli karin. Waxayna hakiyeen baabuur ay usoo iibin lahaayeen Wasaarada Arimaha Gudaha, iyagoo ka cabanaya macaamilka Wasaarada iyo weliba in qalabkii hore oo dhan la lunsaday, welina Waaxdii D/hoose aradan tahay. 

Bilowgii October, 2017. Mr. Juba waxaa loo soo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Wuxuuna olole u galay in booskii uu banneeyay ee laga maamulayey barnaamijka JPLG inuu geysto qof ay isku reer yihiin, hadhowna uu ka wareejin karo ama ku maamuli karo. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa Waaxda D/hoose usoo magacaabay Mr. Maxamed Goojacade, laakiin taas waxaa ka xanaaqay Mr. Juba wuxuuna bilaabay inaan xiriirka iyo maamulka barnaamijka JPLG lagu wareejin mas'uulkaas lasoo magacaabay. 

Mushruuca JPL oo hakad ku jira kana mid ah mashaariicda ugu muhiimsan ee ka socdey Puntland ayaa waxaa hareeyey musuqmaasuq madaxda sare ka yimid iyo qaar ka tirsan mas'uuliyiinta hay'adaha u qaabislan hirgalintiisa.

Madaxweyne Gaas oo maamulka uu madaxda ka yahay noqdey nmidkii ugu musuqmaasuq badnaa abid intii Puntland dhidibada loo taagey ayaa waxaa ku soo fool leh doorashada madaxtinimada dhaceysa 2019.


Cududaar: Warsidaha Garowe Online xogtaan waxaa u soo gudbiyey dad aad uga warhaya sida loo musuqmaasuqey mashaariicdaan, kadib markaan aragney cadeymaha la socda waxaan go'aansaney in aan u soo gudbino shacabka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya. Ma sheegi karno arimo amniga la xiriira magacyada xubnaha warbixintaan sahley.

Related Articles

Puntland iyo Hay'adda FAO oo ka shiray xoojinta xiriir wadashaqeynta

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgaley xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Puntland.

  • Puntland

    06-05-2024

  • 01:08PM

Khasaaro ka dhashay shil gaari oo ka dhacay degmada Dangoronyo

Shilkaan ayaa ku soo beegmaya kadib markii xalay Roobab daadad wata ay ka da'een Gobalada Puntland.

  • Puntland

    05-05-2024

  • 12:57PM