Muxuu Gaas kala hadlay Wafdiga IGAD iyo UNSOM?

Image
Image

GAROWE- Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali [Gaas] ayaa waxaa maanta oo Sabti ah uu ku qaabilay xafiiskiisa Magaalada Garowe Wafdi balaaran oo ka socday Urur goboleedka IGAD iyo xafiiska Qaramadda Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Wafdiga oo ay kala hogaaminayeen Mohamed Guyo oo ah wakiilka gaarka ah ee IGAD ee arrimaha Soomaaliaya, iyo Raisedon Zenenga oo isana ah ku xigeenka madaxa Arrimaha Siyaada Soomaaliya xafiiska Qaramadda ee Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la yeeshay Gaas.

Dhinacyaddaan ayaa waxay kawada hadleen qodoba ay kamid yihiin; amniga guud ee Qaarada, xaaladaha bina'aadanimo ee degaanada Puntland, Soomaaliya iyo siyaasada dalka guud ahaan, sida laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland.

Wararka ayaa intaas ku daraya in kulanka arrimaha looga hadlay ay qayb ka tahay xaaladda ka taagan gobolka Sool, gaara ahaan Magaaladda Tukaraq, halkaasoo Puntland iyo Somaliland dagaalo kharaar ku dhex-mareen xiisadna ay wali ka jirto.

Booqashadda Wafdigaan uu ku tegay Magaalo madaxda Puntland ee Garowe waxay kusoo beegmaysaa iyadoo dhawaan uu halkaas gaarey Wakiilka gaarka ah ee arrimaha Soomaaliya u qaabilsan Qaramadda Midoobay, kaasoo la kulmay Gaas.

Micheal Keating iyo Madaxweyne Gaas ayaa waxay kawada xaajoodeen xaaladda Tukaraq, iyadoo markii kulankooda soo idlaaday saxaafada u sheegay inay qodobadda ay kawada hadleen isku afagarteen, islamarkaana ay ugu muhiimsaneed arrinta Tukaraq.

Keating ayaa inta uu ku sugnaa Garowe wuxuu kaloo kulan uu la qaatay Odayaasha dhaqanka ee Puntland, kuwaasoo uu kala shiray sidii loo qaboojin lahaa xiisadda Tukaraq, wuxuuna kulankaas ka dambeeyay markii Gaas ku dacweeyay Isimada Puntland Wakiilka UN-ka.

Sikastaba, beesha caalamka ayaa waxay xusul duub ay ugu jirtaa in laga baaqsado dagaal dib uga qarxa deegaanka Tukaraq, iyagoo kulamo kala gaar-gaar ah la yeelanaya masuuliyiinta Somaliland iyo Puntland, oo ay kala hadlayaan xalinta colaada Tukaraq.

Bishii Janaayo ee 2018 ayay ahayd markii ciidamadda maamulka Muuse Biixi duulaan ay kusoo qaadeen tuuladda Tukaraq ay ku qabsadeen, iyadoo wixii ka dambeeyay ay ka dhaceen dagaalo, kuwaasoo khasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba dhaliyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM