​Nabadoon Faraweyne oo Garowe ku geeriyooday

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- AHN, waxaa maanta magaalada Garowe ku geeriyooday Nabadoon Cabdullaahi Maxamed Maxamud (Faraweyne) oo kamid ahaa nabadoonnada gobolka Nugaal.

Nabadoonka geeriyooday ayaa muddooyinkii dambe ku xanuunsanaa caasumadda Garowe iyo xaaladdiisa caafimaad aysan ahayn mid wanaagsan taasoo keentay in qadartii ALLE u timaado.

Faraweyne oo lagu xasuusto kaalintiisii nabadoonimo ayaa degmada Eyl ku dhashay 1947, wuxuuna ifka uga tagay 2 xaas, 12 Wiil iyo 7 Gabdhood, kuwaasoo ay ka farcameen duriyadda gaaraysa boqol ruux.

Tacsi tiiraanyo leh ayaa waxaa u diray dhammaan waxgaradka gobolka Nugal iyo shacabka qaybihiisa kala duwan.

Dhinaca kale Madaxweynaha dawladan Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas,Madaxwayne Ku xigeenkiisa Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay,Agaasimayaasha,Shaqalaha iyo Saraakiisha ciidanka Madaxtooyada ayaa dhaamantood waxay tacsi tiiranyo leh u dirayaan Madaxwaynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole oo walaalkiis Nabadoon Cabdullaahi Maxamed Maxamud Farole (Faraweyne) ku geeriyooday degmada Garowe.

Waxay Samir iyo imaan alle uga baryeen inuu kasiiyo eheladii iyo qarabadii uu ka geeriyooday marxuumku iyagoo isagana ALLE uga baryay inuu jannadiisa ugu deeqo .

Waxaa sidoo kale tacsi taa lamid ah diraya mas'uuliyiinta, tifaftirayaasha iyo shaqaalaha Garowe Online.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

GAROWEONLINE

Office@garoweonline.com

Related Articles

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM