​Nabadoon Faraweyne oo Garowe ku geeriyooday

Image

GAROWE, Puntland- AHN, waxaa maanta magaalada Garowe ku geeriyooday Nabadoon Cabdullaahi Maxamed Maxamud (Faraweyne) oo kamid ahaa nabadoonnada gobolka Nugaal.

Nabadoonka geeriyooday ayaa muddooyinkii dambe ku xanuunsanaa caasumadda Garowe iyo xaaladdiisa caafimaad aysan ahayn mid wanaagsan taasoo keentay in qadartii ALLE u timaado.

Faraweyne oo lagu xasuusto kaalintiisii nabadoonimo ayaa degmada Eyl ku dhashay 1947, wuxuuna ifka uga tagay 2 xaas, 12 Wiil iyo 7 Gabdhood, kuwaasoo ay ka farcameen duriyadda gaaraysa boqol ruux.

Tacsi tiiraanyo leh ayaa waxaa u diray dhammaan waxgaradka gobolka Nugal iyo shacabka qaybihiisa kala duwan.

Dhinaca kale Madaxweynaha dawladan Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas,Madaxwayne Ku xigeenkiisa Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay,Agaasimayaasha,Shaqalaha iyo Saraakiisha ciidanka Madaxtooyada ayaa dhaamantood waxay tacsi tiiranyo leh u dirayaan Madaxwaynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole oo walaalkiis Nabadoon Cabdullaahi Maxamed Maxamud Farole (Faraweyne) ku geeriyooday degmada Garowe.

Waxay Samir iyo imaan alle uga baryeen inuu kasiiyo eheladii iyo qarabadii uu ka geeriyooday marxuumku iyagoo isagana ALLE uga baryay inuu jannadiisa ugu deeqo .

Waxaa sidoo kale tacsi taa lamid ah diraya mas'uuliyiinta, tifaftirayaasha iyo shaqaalaha Garowe Online.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

GAROWEONLINE

Office@garoweonline.com

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM