Nooca guddi doorasho ee Puntland gaarsiin kara cod-bixin qof iyo cod ah

Image

Faalada Warka | Guddiga ku meel gaarka doorashooyinka Puntland ayaa bishii hore si wadar ah isu casilay kadib istiqaalo ay u gudbiyeen madaxweyne Saciid Cabdullaahi iyo Golaha Wakiilada oo si isku mid ah kaga ogolaadey.

Sidda uu farayo dastuurka, waajibaadka guddigan oo ah guud ah una madax banaan sharci ahaan iyo go’aan gaarista howlaha loo igmaday, ayaa ah hirgelinta nidaamka xisbiyadda badan.

Xubnaha guddigan oo ka kooban sagaal (9) ayaa waxaa shan kamid ah soo magacaabaya madaxweynaha dowladda Puntland, halka afarta kale (4) ay soo xulayaan mudaneyaasha Golaha Shacabka.

Inkasta oo 20-kii sano ay jirtay Puntland ku dhaqmeysay nidaamka awood qeybsiga beelaha, ayaa markii ugu dhaweyd ee u guurida nidaamka qof iyo cod waxay ahayd 2013-kii, oo ay isku day wanaagsan sameysay dowladii madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole.

Nidaamka hab qaybsiga beelaha oo qarka u saaran in uu burburo ayaa haatan u muuqda mid wajahayo caqabado ay kamid yihiin tabasho beeleed, mid ku aadan tayadda dadka lasoo xulayo iyo sharciyada ay leeyihiin in lasoo xusho.

Ashtakooyinkaasi oo taagnaa kahor doorashadii 2019-kii ayaa waxay shaki galisay suurta galnimada in hadii mar-kale dib loogu noqdo nidaamkaas uu khatar galin karo jiritaanka Puntland, sida dadyow badan ay qabaan islamrkaana ka horimaaneysa Dastuurka Puntland kaasoo ku qeexan tahay in maamulkaan lagu dhaqo habka xisbiyada badan.

Qodobka 3aad ee Dastuurka Puntland oo ka hadlaya Mabaadi'da asaasiga ah farqadiisa 3aad "R" ayaa waxay qabtaa in dalka laga hirgaliyo nidaamka xisbiyada badan islamarkaana lagu baahiyo Puntland oo dhan. Halka Qodobka 46aad ee Dastuurka qodobkiisa kowaad dalbanayo mid lamid arinkaas ayaa hadana waxaa uu qeexaya sida loogu dhaqmayo nidaamkaas.

Talaabo guul u ah in laga baaqsado arrintaasi, xukuumada madaxweyne Deni oo marar badan ku cel-celiyay in ay ka go’an tahay hirgelinta nidaamka xisbiyada badan ee Puntland ayaa dhowaanahaan muujisay firfircooni dhankaasi ah.

Is-casilaada guddigii ku meel gaarka doorashooyinka ayaa la rumeysan yahay in ay u tahay dahabi ah ka mirodhalin karta yoolka Deni kaasi oo balanqaadey in sanadka ugu horeeyay ee xil-heyntiisa uu ku hirgelinayo nidaamkan.

Si loo gaaro hadafkaasi, xukuumada iyo Gollaha shacabkaba waxaa laga sugayaa in ay soo dhisaan guddi doorasho oo leh sifooyinka; tayo, howlkarnimo, aqoon, karti fulineed, dhexdhexaadnimo, madaxbnaani siyaasadeed iyo aqoon gaarsiisan xiriir heer-caalami. ( Guddiga doorashada iyo habraaciisa waxaa qeexaya qodobka 12aad ee Dastuurka ilaa qodobka 15aad)

Maadaama xisbiyo kala duwan ay ku tartami doonan, guddiga cusub ayaa la rajeynayaa in uu noqdo mid ka madax banaan; saxiibtinimo siyaasadeed, kooxeysi, dano shaqsiyadeed iyo u xaglinta koox gaar ah oo u dhow labada gole.

Ra'yi ururin uu sameeyay warsidaha Garowe Online ayaa muujisay in shacabku aad ugu heelan yahay u guurista nidaamka xisbyadda badan, iyaga oo kalsooni ka muujiyey in lasoo dhisi doono guddi leh astaamahaasi.

Nidaamka dimoqraadiyadda oo ah tartartan furan iyo doorasho ku dhacda xor iyo xalaal ayaa mid kamid ah faa'iidooyinka uu leeyahay waxaa kamid ah dadweynaha oo loo dhaweeyo dowladnimadda ayna iyagu go'aanka gaaran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM