​Odayaal difaacay MD Gaas, kana hor-yimid Bayaan looga codsadey inuu isku-casilo [DAAWO]

Image

GAROWE, Puntland - Odayaal kale oo kasoo jeeda gobolka Nugaal ayaa ka jawaab-celiyay Bayaan lagu dhaliilay maamulka hadda ka jira Puntland, looguna baaqayay Madaxweyne Gaas inuu Xilka iska-casilo. Halkan ka akhriso.

Waxaa maanta oo Talaado ah (August 22) Shir Jaraa'id ku qabtey magaalada Garoowe, Nabadoono, sheegay inay kasoo horjeedaan go'aankii shalay kasoo baxay Beesha Obokor Ciise.

Odayaashan kasoo jeeda isla Beesha Obokor Ciise, ayaa sheegay in laga been abuuray Magacyada qaar ee ku saxiixnaa War Saxaafadeedkii lagu dhaliilay waxqabadka maamulka Madaxweyne Gaas.

Dhowr Oday, oo kamid ah kuwa Shirka Jaraa'id qabtey, ayaa tilmaamay in aysan jirin shir guud oo beesha Obokor Ciise ay yeelatay, iyagoo ka raali-geliyay Madaxweyne Gaas Bayaankii lagu dhaliilay.

Odayaashii hore ayaa bayaankooda waxay ku eedeeyeen Madaxweyne Gaas inuu ku fashilmay Waajidbaadkii loo igmaday, sida Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Amaanka, waxayna ugu baaqeen inuu is-casilo.

Odayaashan maanta hadlay oo u muuqday kuwa ay Xukuumadda soo abaabushay, ayaa difaacay Dowladda Puntland iyo Madaxweyne Cabdiweli Gaas, oo ay amaaneen waxqabad iyo horumar inuu gaarsiiyay Puntland, intii uu Xafiiska joogay. Halkan ka akhriso.

Mamaulka Gaas marka laga soo tago Waxqabadka xumada qaladaadkiisa kale waxaa kamid ah inuu sameeyay muqus-maasuqii ugu ballaarnaa, oo Taariikhda Puntland soo mara, kadib markii uu daabacay Lacago Faalso ah, oo keenay Sicir Barar xooggan, oo saameeyay dhaqaalah iyo nolosha shacabka.

DAAWO WARSAXAFADEEDKA ODAYAASHA

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM