​Prof: Maxamed Cabdi Gandi oo looga adkaaday doorashada Aqalka Sare Jubbaland

Image

KISMAYO, Somalia- Prof, Maxamed Cabdi Maxamed (Gaandi), ayaa ku guul darraystay inuu kusoo baxo doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Barlamanka Federaalka Somalia, kuwaasoo matali doona maamulka Jubbaland.

Doorasho Xildhibaanada maamulkaasi ku dooranayeen xubnaha Matalaya Aqalka Sare, ayaa suuro gali weyday in siyaasigan caanka ah ka mid noqdo 54 qof ee Somalia u noqona golaha Aqalka Sare.

Gaandi, ayaa la tartamayay, Axmed Xaashi Maxamed, oo kamid ahaa xubno Qaramada Midoobay diidanayd in lagusoo daro liiska isagoo lagu eedaynayay inuu kasoo qayb qaatay dagaallo ka dhacay dalka somalia.

Xaashi ayaa helay codad gaaraya 40, halka Prof Gandi u codaysay 26 mudane.

Ninkan ayaa kamid ahaa ragga sida aadka ah loo hadal hayay inuu kusoo bixi doono doorashadaasi, waloow aysan noqon sidii loo malaynayay, walina dadweynuhu su'aal galinayaan sida looga adkaaday iyadoo laga warqabo kaalinta uu kulahaa siyaasadda Somalia islamarkaana xilal kala duwan kasoo qaybtay xukuumadahii dalka soo maray.

Professor-ka laga guulaystay ayaa soo noqday wasiirka Gaashaandhigga Somalia, sannadkii 2009 xukuumaddii uu horkacayay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Wuxuu sidoo kale kamid ahaa raggii aas-aasay maamulka Jubbaland ka hor intaan la dooray Axmed Maxamed Islaam, Sannadkii 2013.

Wuxuu sidoo kale soo noqday sannadkii 2014 safiirka Somalia u fadhiya waddanka Canada.

Diidamada Gaandi ee xildhibanada ayaa waxaa loo maleynayaa in salka ku hayso faragalinta xafiiska qaramada midoobey arimaha doorashada Somalia taasoo dad badan ka careysiisey.

Qaramada midoobey oo 25 sano Somalia ka socdeen daagalada Sokeeye qofna aan Oran maxkamad ha lagu geeyo dambiyada laga galey shacabka ayaa talabadaan dadweynaha u arkeen faragalin lagu sameynayo arimaha doorashada.

Dhinaca kale, booskaasi kusoo baxay murashaxiinta kala; Madaxweyne ku-xigeenkii hore Jubbaland General Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag, Xasan Faarax Xujaale, oo qaab aan la filan uga guulaystay Siyaasiga ruug caddaaga ah ee  Cabdi Maxamed Tarax kaasoo Wasiir ka soo noqday dowladdii uu hogaaminayay Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Doorashada ayaa la filayaa in gordhow la soo afmeero, iyadoo maamulka Koonfur Galbeedna lasoo gaba gabeyn doono, waxaana harsan Puntland oo maalinta barri ah dooran doonta xubnahooda, halka Hir-Shabeelle aan wali lasoo magacaabin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM