​PUNSAA oo ka hadashay xarigga Radio Daljir

Image

GAROWE- Guddoomiyaha dallada ay ku midaysanyihiin ururrada aan dowliga ahayn ee PUNSAA, Nuur Shire Cismaan oo maanta warbaahinta kula hadlayay magaalada Garowe, ayaa walaac xooggan ka muujiyay xarigga Idaacada Daljir oo maalintii labaad hawada ka maqan.

Shire, wuxuu sheegay in saxaafaddu howl adag u hayso dalka iyo dadkaba, isagoo ku baaqay in la joojiyo xad gudubyada lagu hayob warbaahinta islamarkaana la dhawro xuquuqda caalamiga ah ee hadalka.

Wuxuu intaasi ku daray in dalka sharci iyo nidaam ka jiro, sidaas darteed aan loo baahnayn handadaad iyo lagu tunto dastuurka.

HALKAN KA DAAWO SHIRKA JARAA'ID EE GUDDOOMIYAHA DEGMADA PUNSAA NUUR SHIRE CUSMAAN

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM