​Puntland: Abaaro ka jira gobolka Nugal

Image

GAROWE, Puntland- Qaylo dhaan xoog leh ayaa kasoo yeeraysa qaybo kamid ah degmooyinka gobolka Nugal, waxaana dadka halkaasi ku nool dalbanayaan gurmad deg deg ah.

Goobo hoostaga degmooyinka, Garowe, Eyl iyo Godob-jiiraan, ayaa lagusoo waramayaa inay ka jirto Abaar xoog leh, taasoo sababtay yaraansho dhanka biyaha ah iyo daaqii Xoolaha.

Qaar kamid ah dadka ku dhaqan goobaha Miyiga ah ee gobolka Nugal, ayaa Radio Garowe u sheegay inay jirto duruuf adag oo dhanka nolosha ah, iyagoo xusay in biyihii noqdeen kuwo ay adkaatay helistooda.

Booyadda biyaha oo ay sheegeen in laga keeno meelo ka fog dagsiimadooda, taasoo ay ku helaan Adduun lacageed oo dhan $200.

Gudoomiyaha deegaanka Xam-xamaa ee gobolka Nugal, Maxamuud Macalin Cabdulqaadir oo la hadlay Radio Garowe ayaa u sheegay in halkaas ay ka jiraan abaaro xooggan islamarkaana ay gureen baraagihii laga cabi jiray.

Wuxuu baaq u diray maamulka gobolka Nugal iyo dowladda Puntland, isagoo ka codsaday in gurmad lala soo gaaro dadka halkaasi ku dhaqan.

Maxamud, ayaa intaas ku daray in baaqyo hore direen, balse aan waxba looga qaban. Halkan ka dhagayso

Guddoomiyaha demgada Eyl, Muuse Cismaan oo goor sii horraysay la hadlay Idaacadda Garowe, ayaa xusay in tuulooyinka hoos yimaad degmadaas ka jiraan abaaro xooggan iyo cabasho ka imaanaysay dadka la daalaa dhacaya abaarta.

Qaylo dhaantan, ayaa timid xilli kalkii hore uusan si fiican u horeen deegaanada Puntland Xilli Roobaadkii Gu'ga, inkastoo hadda lagu jiro Waqti Roobaadkii Dayrta waloow aysan wali da'in.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM