Puntland: Agaasimaha Radio Garowe oo soo dhoweeyey in Daljir la fasaxo, baaqna direy

Image

GAROWE- Axmed Cawil Jaamac oo ah Agaasimaha  Radio Garowe, xubin firfircoona ka ah xubnaha GA-ga ee ururka MAP ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay Radio Daljir ayuu ku sheegay in xukuumadda Puntland looga baahanyahay Dastuurka in ay xurmayso.

Axmed Cawil ayaa yiri "Waan ku faraxsanahay in Daljir lasiidaayo, waxay arrintaan ku fiicnahayd in sharciga ay xukuumaddu adeegsato, balse waxaa reer Daljir iyo MAP looga baahanyahay in ay ka shaqeeyaan sidii Mag-dhow Daljir loogu samayn lahaa, waayo 12 bari ayay xirnayd, samcadeedii xattaa waa la dilay, waase in haddii xukuumaddu sharcigii baalmartay ay Daljir sharciga adeegsataa" Agaasime Axmed Cali waxaa uu sheegay in aysan shaqada warbaahinta waxba u dhimaynin xariga xarumaha warbaahinta loo gaysto, waxaa uu hadalkiisa raaciyay in haddii idaacad la xiro, idaacad kale ay baahinayso adeegii ka bixi-jiray hay'adda la xiray, waxaa uu ugu dambayn shaaca ka qaaday in hanjabaadii Wasiir Soocade ay sharciga la tiigsan-doonaan, baarlamaanka Puntland.

DHAGEYSO HADALKA AGAASIMAHA IDAACADA RADIO GAROWE 

Xigasho: Daljir

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM