Puntland: Agaasime Koor oo diiday xilka loo magacaabay

Image

BOSASO, Puntland- Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa xilkii ka qaadey Agaasimhii Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Nuur Cilmi (Koor).

Wareegtadaan ayaa lagu magacaabay Agaasime Cusub oo kamid ahaa Shaqaalaha wasaaraddaas gaar ahaan Waaxda Dowladaha hoose.

Maxamed Cali Nuur Jubba ayaa Madaxweyne Gaas ka dhigay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, halka Cabdi Nuur Cilmi loo wareejiyay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland.

Qoraalkaan ku soo baxey oo kaliya Cabdi Nuur Cilmi ahaa oo horey u ahaan jirey duqa magalaada Garowe ayaa xilkaan loo magaacebey markii uu Wasaarada ka ahaa Wasiir Axmad Karaash.

Warar uu helay Garowe Online ayaa sheegaya in arrintan salka ku hayso khilaaf soo kala dhex galay Agaasimaha iyo Wasiirka taasoo keentay in Madaxweyne Gaas qaato talada Wasiir Timacade.

War lagama hayo sababta ay isku khilaafeen Koor iyo Timacadde.

Digreetada Madaxweyne Gaas, ayaa wararku sheegayaan inuu diidey xilka cusub ee loo magacaabey. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM