Puntland: Agaasime loo magacaabay hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha

Image

GAROOWE, Puntland- Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Agaasime loogu magacaabay hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Puntland.

Maxamed Cabdi Faarax (Qambi), ayaa loo magcaabay Agaasimaha Guud Ee Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Dawladda Puntland, waaxaana Booskan horay u joogay Maxamud Faarax Ashkir.

Qambo ayaa kamid ahaa kaaliyaasha Madaxtooyada Puntland, waxayna qaraabo dhow yihiin Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Lama oga sababta Ashkir xilka looga qaaday, balse bishii May ee sannadka wareegto kasoo baxday Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa shaqo fariisin loogu sameeyay inkastoo mar dambe loo fasaxay.

Halkaan Ka Akhri Wareegtada Madaxweyne Gaas:


Digreto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo lagu magcaabay Xeer Madaxweyne Lr-121 October, 15, 2017

Agaasimaha Guud Ee Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland;

Markuu arkay: Dastuurka dawladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo

Wuxuu Xeeriyey:

Waxaa Maxamed Cabdi Faarax (Qambi) loo magcaabay Agaasimaha Guud Ee Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Dawladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM