​Puntland: Amarro la dul dhigay Warbaahinta iyo Wariyaasha

Image

GAROWE, Puntland- Qoraal kasoo baxay maanta 09 Julay, 2016 wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa dhammaan warbaahinnada ka howlgala deegaannada Puntland lagu faray inay iska soo diiwaan galiyaan wasaaradda islamarkaana soo gudbiyaan magacyadooda, jagooyinkooda iyo cinwaannada lagala xiriirayo.

Amarkan oo kasoo baxay wasiir Maxamud Xasan Soocdde, ayaa loogu hanjabay wariyaasha inuusan shaqayn doonin qofkii aan laga helin liiska loo keeno wasaaradda iyadoo ugu dambeyn 25 bishan laga codsaday xarumaha warbaahinta inay soo gudbiyaan xogta laga dalbaday.

Arrintan ayaa timi xilli uu jiro khilaaf xooggan oo u dhaxeeya wasaaradda warfaafinta iyo wariyaasha ka howlgala warbaahinta madaxa bannaan, kaasoo ka dhashay amarro sidaan oo kale Soocade saxaafadda ugu caburinayay kuwaas oo dhigayay inaan waraysiyo laga qaadi karin cidda kasoo horjeeda maamulka Puntland.

Khilaafkaasi ayaa keenay in bishii hore albaabada loo laabo Idaacadda Daljir taasoo markii dambe lagu sii daayay cafis kayimi dhinaca madaxweyne Gaas.

Warar kale oo u helay warsidaha GO ayaa sheegaya in xubno ay kamidyihiin wasiirka warfaafinta Puntland, Taliyaha ciidamada Booliiska iyo Agaasime ku-xigeenka madaxtooyada Puntland u hanjabeen telefishinka Universal kadib markii ay ku guuldarraysteen inay joojiyaan barnaamij looga hadlayay dhibaatooyinka xukuumadda madaxweyne Gaas ku hayso wariyaasha iyo warbaahinnada madaxa bannaan.

Dhacdooyinkan ayaa soo noq-noqonaya xilli dastuurka Puntland uu dhigayo ilaalinta xorriyatul qowl-ka islamarkaana uu awood siinayo in qof kasta oo muwaadin ah aragtidiisa u gubdin karo qaab warbaahineed, qoraal iyo suugaan intabada, hadana taasi waxaa muuqata in la hareer maray oo xitaa wasiirka warfaafinta oo hanjabayay si cad u sheegay inuu layn doono wariyaasha dastuurkana uusan ixtiraami doonin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM