Puntland: Askar lagu toogtay Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland- Mallayshiyaad hubaysan oo aan haybtooda la aqoon ayaa goordhaweyd toogasho ka fuliya goob aad u mashquul badan oo ku taalla gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah, dilka waxaa fuliyay niman ku hubaysnaa Bastoolado, kuwaaso fakaday dilka ka dib.

Toogashadaas waxaa ku dhintay labo kamid ah ciidamada Canshuuraha Puntland, kuwaasoo ku sugnaa bartamaha magaalada Boosaaso.

Wararka uu falkaas ka helayo Garowe Online ayaa, ayaa tilmaamaya in dilku u dhacay qaab gaadmo ah, xilli wadadu ahayd mid mashquul badan.

Maydadka labada marxuum ayaa la geeyay Cisbitalka guud ee magaalada Boosaaso, waxaana goobta soo gaaray ciidamo katirsan kuwa ammaanka Puntland, kuwaasoo baaritaano ka sameeyay nawaaxiga halka weerarku ka dhacay.

Saraakiisha amniga iyo dowladda Puntland wax war ah kama soo saarin dilka Askartaas oo shaqo ku guda jiray xilliga weerarku dhacay.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas'uuliyadda dilkaas oo kusoo beegmay xilli maalmahan howlgal ay ciidamada ammaanku kawadeen magaalada Boosaaso.

Horay waxaa sidaan oo kale Boosaaso uga dhacay dilal ay gaysteen mallayshiyaad katirsan Al shabaab iyo Daacish kuwaasoo ku sugan gobolka Bari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM