Puntland: Baaqyo loo diray colaad ka hurtay xadka Nugal iyo Sool

Image

BURTINLE, Puntland- Waxgaradka ku nool deegaanada Puntland, ayaa diray baaqyo nabadeed oo ku aadan sidii loo joojin lahaa colaad ka taagan xuduuda ay wadaagaan gobollada Nugal iyo Sool, taasoo u dhaxaysay qabaa'il halkaas wada-daga.

Dagaal kharaar oo shalay bilowday ayaa lagusoo waramayaa inay ku dhinteen ugu yaraan 14 qof kuwaasoo kawada tirsan dhinacyadii dagaallamayay, halka dhaawaca la sheegay inuu kor u dhaafay 20-taneeye.

Colaaddan oo mudo soo jiitamayssay ayaa salka ku haysa anooyin Qabiil oo salka ku haya dhul-daaqsimeed.

Dagaalkii shalay ayaa ka dhacay halka lagu magacaabo Cagaarane oo ku yaalla xadka Nugal iyo Sool kaasoo kaabiga ku haya degmada Burtinle.

Dhaawacyada dadkii ku dhintay ayaa loo qaaday magaalooyinka Burtinle, Galkacyo iyo Buuhoodle.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka Puntland, taasoo ku aadan colaada halkaas ka taagan, balse waxaa jira baaqyo ay direen waxgaradka ku nool Puntland gaar ahaan gobolka Mudug.

Dhowr jeer oo hore, waxaa labadan beelood la dhex-dhigay heshiisyo nabadeed oo ku aadan in lasoo afmeero dhibkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM