​Puntland: Bandhig ka furmaya Garowe

Image

GAROWE, Puntland- Waxaa lagu wadaa Khamiista 28 July, 2016 in magaalada Garowe caasumadda Puntland uu ka furmo Bandhig Buug ay kasoo qayb gali doonaan qorayaal Somali iyo Ajnabi isugu ku jira kuwaaso madasha la imaan doona kitaab kala duwan oo ay dalka iyo arrimo dunida ku saabsan ka qoreen.

Mas'uuliyiin katirsan dowladda iyo shacabka ku dhaqan magaalo madaxda Puntland ayaa lagu wadaa inay kasoo qayb galaan xilli uu ka qabsoomi doono xarunta Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda Garowe.

Wuxuu socon doonaa ilaa 31 bishadan iyadoo ay iska kaashanayaa Machadka SIDRA iyo maktabad daabacda buugaagta oo la yiraahdo SCANSOM.

Bandhigan ayaa noqonaya noociisa kii ugu horeeyay ee lagu qabto magaalada Garowe halka sannadkii hore uu ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM