​Puntland: Cabasho ka taagan amar kasoo baxay wasaaradda Kalluumaysiga

Image

GAROWE, Puntland- Qaar kamid ah dadka ku dhaqan deegaanka Maraya oo hoos tagta degmada Eyl ee gobolka Nugal, ayaa cabasho xooggan ka muujinaya amar kasoo baxay wasaaradda Kalluumaysiga kaasoo lagu xanibay in qaar kamid ah xawayaan ku nool Badda lala soo baxo.

Xubno kamid ah dadka halkaasi ku nool oo la hadlay Radio Garowe, ayaa sheegay in amarkaasi halis galiyay nolosha dadkii ku tiirsanaa badda oo muddo sugayay inay furanto Baddu maadama lagu jiray xilli Xagaa ah oo baddu xirnay.

Waxay sheegeen in amarkaasi yahay mid ay dabada ka riixayaan shakhsiyaad dano gooni ah wata kuwaasoo badda keentay Doonyo lasoo kiraystay oo guranaya waxyaabaha la xanibay sida ay hadalka u dhigeen.

Waxay sheegeen in dadka u dhaqan Maraya haatan haysato duruuf dhanka nolosha ah maadama ay jiraan Abaaro xooggan iyadoo hadda sida ay xuseen sugayeen inay manaafacaadsadaan badda.

Baaq xoog leh ayay u direen madaxweyne Gaas oo ay sheegeen inuu mas'uul ka noqon doono ciddii noloshooda ku weyda amarka lasoo saaray, waxayna dalbadeen in la sameeyo guddi soo qiimeeya xaaladda ka taagan deegaanada dhaca xeebaha Puntland kuwaasoo ay tilmaameen inay faro ba'an ku hayaan maraakiib shisheeye.

Xubnaha hadlay ayaa arrin lala yaabo ku tilmaamay in amarkaasi qabto dadka shacabka ah islamarkaana khayraadkii laga af-qabtay ay gurtaan Doonyo iyo Maraakiib Shisheeye.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dowladda Puntland, kasoo ku aadan amarkan la duldhigay kalluumaysatada muddo Sideed bilood ah kaasoo la sheegay in lagu gaaxinayo badda maadama uu yaraaday xawayaanka loo yaqaano Aar-goosatada.

Xannibaadan ayaa timid xilli horay dowladda loogu dhaliiyay inay badda kusii daysay Maraakiib ay hishiis kula jirto kuwaasoo ay leeyihiin dadka soo jeeda dalalka Iiraan iyo Yemen, waxaana lagusoo beegay xilli bad-dhacyo badan isu diyaarinayeen inay u arzaaq doontaan Badda oo iminka furantay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM