Puntland: Cabdicasiis Koor oo loo magacaabay Agaasimaha W/Deegaanka

Image

GAROOWE, Puntland- Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa Agaasimihii hore ee wasaaradda Arrimaha Gudaha islamarkaana soo noqday duqa Caasimadda Garoowe loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka Puntland.

Wareegto uu helay GO oo Madaxweyne Gaas kasoo baxday 16 December, 2017 ayaa mas'uulkan loogu magacaabay xilkan muddo kadib markii uu diiday inuu noqdo Agaasimaha wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalah dowladda Puntland.

Booskaas waxaa horay u joogtay gabar lagu magacaabo Muno Daahir Dalmar, taasoo in muddo ah aan kasoo muuqan xarunta Wasaaradda iyadoo aan la ogayn sababta maqnaanshaheeda.

Muno ayaa markii hore wasaaraddaas lagu geeyay badal looga keenay W/Arrimaha Gudaha, dowladaha hoose iyo Hormarinta reer Guuraaga.

"Markuu Arkay Dastuurka dowladda Puntland, Markuu Arkay Aqoontiisa iyo Waayo-aragnimadiisa, markuu arkay talo soo jeedista Wasiirka Deegaanka, wuxuu Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor u magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Puntland," ayaa lagu yiri warqad kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Gaas.

Cabdicasiis Koor ilaa hadda kama uusan hadlin xilka cusub ee loo magacaabay.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM