Puntland: Ciidamada Amniga oo Qabtay Gaari Sahay u Waday Daacishta Ku Go’doonsan Calmiskaad

Image

Boosaaso, Puntland – Ciidamada ammaanka Puntland ayaa qabtay gaari yar oo la tuhunsan yahay inuu siday raashin iyo qalabka tamarta qoraxda, kuwaas oo la doonayay in si qarsoodi ah loogu gudbiyo kooxda Daacish ee ku go’doonsan deegaanka Webiga Baalde, kadib howlgallo ciidan oo dhowaan ka dhacay halkaasi.

Afhayeenka Booliska Puntland ayaa war kooban ku sheegay in ciidanku ay qabteen laba nin oo da’yar ah iyo gaarigii ay wateen, xilli ay marayeen deegaanka Biyo Kulule, oo u dhaxeeya Boosaaso iyo Baalde.

“Waxaa noo caddaatay in sahaydan loo waday kooxda Daacish, balse waxaa lagu soo qabtay kahor inta aysan gaarin halkii loo waday,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Booliska.

Warbixin sirdoon oo laga helay gudaha kooxda Daacish ayaa muujinaysa in kooxdaasi ay si buuxda uga go’an yihiin marinadii ay ku heli jireen sahayda, sida raashinka iyo daawooyinka, kadib go’doon adag oo ay ku soo rogeen ciidamada Puntland.

Ilo-wareedyo amni ayaa sheegay in xubnaha Daacish ay hadda ku uruursan yihiin saddex goobood oo ku yaalla aagga webiga Baalde: Il-Abbal, Yucrin, iyo Maraagade – meel qiyaastii 20km u jirta magaalada Boosaaso.

Kooxda Daacish ayaa la rumeysan yahay inay dadaal ugu jiraan sidii ay mar kale sahay uga heli lahaayeen Boosaaso, halkaas oo ah magaalo xeebeed muhiim ah oo ku taalla waqooyi-bari Soomaaliya.

Ciidamada Puntland ayaa sii xoojinaya la-dagaalanka kooxaha xagjirka ah, iyagoo horey guulo uga gaaray dagaallo ka dhan ah Daacish iyo Al-Shabaab ee ka socda gobolka Bari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland: Howlgalka Calmiskaad oo guulo laga gaaray

Dhinaca kale, ciidamada Puntland ayaa gacanta ku dhigay gaari siday raashin, iyadoo la qabtay laba nin oo waday gaarigaas.

  • Puntland

    29-07-2025

  • 05:47PM

Ardey Soomaaliyeed oo Lagu Xirey Turkiga loona Soo Tarxiiley Soomaaliya

Qaar ka mid ah ehelkiisa oo la hadlay Garowe Online waxay sheegeen in aan wali si rasmi…

  • Puntland

    27-07-2025

  • 10:47AM