​Puntland: Ciidamada PIA-da oo isaga baxay xarumo ay qabsadeen

Image

GAROWE, Puntland- Waxaa iminka dib ugu laabtay fariisinkoodii ciidamadii gadoodsanaa ee galabta qabsaday xarunta wasaaradda Maaliyadda iyo bangiga dowladda Puntland ee magaalada Garowe.

Wararka ku xeeran tallaabada ciidamadu ku qabsadeen goobahaasi muhiimka ayaa sheegaya inay la xiriirto cabasho dhanka mushaharka ah.

Waxaa xukuumadda uu hogaamiyo Cabdiwali Gaas ku guulaystay in laga qanciyo tabashooyinkoodii iyadoo guddi loo saarayo wax ka qabashada Mushaharka ka maqan 7 bilood iyo daryeelka dhaawacyadooda.

Dadaallo xooggan ayaa ilaa galabta socday, waxaana ciidamadan horay ugu adkaysanayeen inaysan ka bixi doonin goobahan ilaa ay ka helaan dalabkooda.

Xarumaha ay qabsadeen waxaa kamid ahaa Wasarada Maaliyada iyo Bangiga dhexe ee Puntland.

Ciidamadan oo katirsan kuwa sirdoonka Puntland ee loo yaqaano PIA-da, ayaa tiradoodu gaaraysaa 140 Askari, waxaana muddooyinkii dambe la daalaa dhacayeen xuquuq la'aan. Halkan ka akhriso

Qayb kamid ah kuwa gadooday, waxay ka yimaadeen magaalada Galkacyo cabasho la xiriirta xuquuqda ka maqan awgeed.

Dhowr jeer oo hore, waxaa sidaan u gadooday ciidamo katirsan Daraawiishta Puntland ee ku kala sugan Bosaso, Garowe iyo Galkacyo, waxayna arrintan caado noqotay mudadii talada Puntland qabtay madaxweyne Cabdiwali Cali Gaas.

Majirto ilaa hadda cid ka tirsan dowladda oo ka hadashay gadoodka ciidamada PIA-da Puntland oo qayb laxaad leh ka qaatay howl gallo ka dhan ah Argagixisada.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM