Puntland "Ciidankeenu dhaawac xoog leh ayay u gaysteen Daacish"

Image

GAROOWE, Puntland- Shirka Khamiislaha ah ee golaha wasiirrada Puntland oo maanta ka qabsoomay magaalada Garoowe islamarkaana uu shir guddoomiyay Madaxweyne Gaas, ayaa looga hadlaya qodobo ay kamid yihiin xaaladda amniga iyo dib u eegista Dastuurka Soomaaliya.

Golaha xukuumadda Puntland, wuxuu guulo la taaban karo ka sheegtay howlgallo ciidamada difaaca ay ka wadaan gobolka Bari gaar ahaan buuraha Cal-madow, kuwaasoo looga sifaynayo sida la sheegay ururka Daacish.

Xukuumaddu waxay sheegtay in ciidanka ku guulaysteen howlgalladii ilaa hadda la sameeyay inkastoo aysan soo bandhigin caddaymo iyo khasaaraha la gaarsiiyay kooxdaas, waxayn intaas ku dareen inay baacsanayaan haraadiga mallayshiyaaadkaas.

Golaha fulinta ayaa intaas raaciyay inay wadaan dullaano ka dhan ah kooxaha Al Shabaab iyo Daacish. Shirka laguma soo hadal qaadin duqaymo ka dhacay gobolkaas oo ay fuliyay Malaykanku.

Dhinaca kale shirka waxaa lagusoo hadal qaaday dib u eegista Dastuurka Soomaaliya, waxaana warbixin laga dhagaystay wasaaradda dowladda u qaabilsan arrimahaas oo ka qayb gashay shirar caalami ah, waxaana Puntland sheegtay inay doonayso Dastuur kala cadaynaya waxa ay xaq u leeyihiin dowladda dhexe iyo kuwa maaamul goboleedyada Soomaaliya.

Shirkan ayaa sidoo kale mudadii uu socday lagusoo hadal qaadin xaaladda Dekedda Boosaaso xilli uu dhammaaday heshiis kumeel gaar ahaa oo u dhaxeeyay ganacsatada iyo shirkadda maamulaysa dekedda.

Goluhu shirkooda kumasoo hadal qaadin xaaladda doorashooyinka Somaliland iyo waliba deegaanada Puntland sheegato ee codadka laga dhiibtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM