Puntland: Dagaal ka socda deegaanka Balli-khadar ee gobolka Bari

Image

BOOSAASO, Puntland- Wararka ka imaanaya deegaanka Balli Khadar ee gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaas dagaal ku dhexmarayo ciidamada katirsan kuwa badda Puntland iyo Al Shabaab.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii mallayshiyaad hubaysan dhowr jiho kasoo weerareen saldhig ay halkaas ku lahaayeen ciidamada PMPF-ta.

Lama oga khasaaraha dagaalkaas, balse saraakiil katirsan ciidankaas oo aan la hadalnay waxay noo sheegeen in weerarkaas uu jiro dagaalkuna socdo.

Saraakiishaas ayaa ka gaabsaday inay faah faahiyaan khasaaraha dagaalka maadama ay tahay xilli habeen ah.

Balli-khadar oo u dhow buuraha Galgala ayaa waxaa fariisimo kala duwan ku leh ciidamada kala duwan ee dowladda Puntland.

Kooxdan xiriirka la leh Al Qaacida ayaa bisha Ramadaan xoojisa dagaalka ay kula jiraan ciidamada Soomaaliyeed.

Ramadaankii hore ayay ahayd markii Shabaab ay weerartay fariisin ciidamadan ku leeyihiin deegaanka Af-urur ee gobolka Bari.

Faah faahinta dib ayaan idiin kasoo gudbin doonaa

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM