Puntland: Dagaal ka socda deegaanka Balli-khadar ee gobolka Bari

Image

BOOSAASO, Puntland- Wararka ka imaanaya deegaanka Balli Khadar ee gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaas dagaal ku dhexmarayo ciidamada katirsan kuwa badda Puntland iyo Al Shabaab.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii mallayshiyaad hubaysan dhowr jiho kasoo weerareen saldhig ay halkaas ku lahaayeen ciidamada PMPF-ta.

Lama oga khasaaraha dagaalkaas, balse saraakiil katirsan ciidankaas oo aan la hadalnay waxay noo sheegeen in weerarkaas uu jiro dagaalkuna socdo.

Saraakiishaas ayaa ka gaabsaday inay faah faahiyaan khasaaraha dagaalka maadama ay tahay xilli habeen ah.

Balli-khadar oo u dhow buuraha Galgala ayaa waxaa fariisimo kala duwan ku leh ciidamada kala duwan ee dowladda Puntland.

Kooxdan xiriirka la leh Al Qaacida ayaa bisha Ramadaan xoojisa dagaalka ay kula jiraan ciidamada Soomaaliyeed.

Ramadaankii hore ayay ahayd markii Shabaab ay weerartay fariisin ciidamadan ku leeyihiin deegaanka Af-urur ee gobolka Bari.

Faah faahinta dib ayaan idiin kasoo gudbin doonaa

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM