​Puntland: Dhismaha wadada isku xirta Eyl iyo Dangoroyo oo bilaabatay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Pumtland- Waxaa si rasmi ah loo billaabay dhismaha wadada isku xirta degmooyinka Dangoroyo iyo Eyl ee gobolka Nugaal kaasoo lagu dhisayo mashruuc dhaqaale aruurin bulshada dhexdeeda ah.

Furitaankii howsha lagu dhisayo jidkan oo ka dhacaday degmada Dangoroyo ee gobolka Nulga ayaa waxaa kasoo qayb galay wasiirka Maaliyadda Puntland, Xildhibaano, Islaam ciise Islaam Maxamed, Suldaan Siciid Maxamed Garaase, Nabadoonnada deegaanada wadadaasi maridoonta iyo maamulka labadaasi degmo.

Qorshahan la bilaabay oo ah wajiga ugu muhiimsan jidka ayaa isugu jira Laangoyn iyo sahamin lagu samayn doono  wadadaasi oo dhan 120KM, waxaana iska kaashan doona guddiga loo xilsaaray arrintan iyo Somalia Relief Network for North America.

Maamullada degmooyinka  Eyl iyo Dangoroyo oo ka hadlay xafladda furitaan dhabaddan ayaa soo dhaweyay mashruuca billowday, waxayna sheegeen inay u huri doonaan  muruq iyo maal intaba.

Nabaddoona gobolka Nugaal gaar ahaan kuw kasoo jeeda halka laga dhisayo wadada ayaa madasha ka ballan qaaday inay diyaar u yihiin wixii hanti ah ee looga baahdo iyagoo ugu baaqay bulshada inay u istaagaan sidii hormarka gobolka looga shaqayn lahaa.

Ganacsade Jamac Dhagadheer ayaa wadadaasi ugu yaboohay lacag dhan $5,000 halka Nabadoon Awaab Cabdillaahi Maxamed Jibriil uu ugu deeqay inuu u gadi doono dhul cabirkiisu yahay Labaatan Labaatan kaasoo ku yaalla magaalada Garowe.

Guddoomiyaha hay'adda PHA Eng. Maxamed Cabdinuur ayaa dadweynihii ka qayb galay xafladda faah faahin kasiiyay wadadan iyo howsha lagasoo maray isagoo intaasi raaciyay inay keeneen khuburo ajnabi ah kuwaasoo sahmiyay ciidda iyo halka laga billaabayo.

Aadan Maxamed Ciise Gaadaale, oo ah Guddoomiyaha guddiga loo xilsaaray dhismaha wadadan ayaa sharaxaad ka bixiyay qaabka wax lagu dhisayo, wuxuuna bulshada ka codsaday inay wixii taageero ah ka gaystaan maadama ay arrintu tahay mid guud oo bulshada dhan ka dhaxaysa.

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaa soo dhaweeyay dhismaha jidka labillaabmay, wuxuuna sheegay in dowladdu qaadan doonto doorkeeda ku aadan dhammaystirka iyo lasocodka wadadan isagoo bulshada ugu baaqay inay isku tashadaan oo dalkooda dhistaan.

Suldaan Siciid Maxamed Gareese iyo Islaam Ciise Islaam Maxamed, ayaa  dhankooda sheegay inay wixii kharasha ah wax kabixin doonaan iyagoo bulshada ugu baaqay inay ka fogaadaan wixii khilaaf ah ee hormarka wax u dhimaya, waxayna ALLE ka baryeen inuu jidkan ka dhigo kii guul ku dhammaada oo horseed ka noqda hormarka gobolka Nugal.

Shaqadan haatan la billaabay ayaa lagu wadaa inay socoto muddo Labo bilood ah, waxaana wajiga Koowaad lagu joojin doonaan degmada Dangoroyo ilaa deegaanka Qarxis.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM