Puntland: Dhul-gariir kusoo food leh gobolka Barri

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sida laga soo xigtay website ka faaloodda arrimaha musiibooyinka, Dhul-gariir ayaa laga cabsi qabaa inuu ku dhufto deegaanka Bareeda oo ku dhow degmadda Caluulo ee gobolka Barri ee maamulka Puntland.

Dhul-gariirka ayaa waxaa cabirkiisu dhan yahay 4.5 oo cabiraadda Dhulgariiryadda ah, waxaana qotada hoose ee dhulka uu dhulgariirku gaari doonana ay tahay 10 KM.

Dadka ayaa loogu baaqay inay kasoo baxaan Guryahooda, islamarkaana ay ka fogaadeen Darbiyadda jilicsan, halka kuwa baabuurta saaran loogu baaqay inay ka deegaan marka ay dareemaan Dhul-gariir.

Sidoo kale, dadka deegaanka waxaa laga codsaday inay ka foogaadaan dhismooyinka ka sameysay Shubabka ee kusoo dumi kara, ka hor inta uusan Dhul-gariirku bilaaban.

Sida la saadaalinayo, waxaa la qiyaasayaa in Dhul-gariirka uu kaliya ku oobnaado deegaanka Bareedda, mana u gudbi doono deegaanadda kale ee hoos-yimaada gobolka Barri.

"Waxaa uu bilaaban doonaa Dhul-gariirka 30 bisha June 2018, xili dambe oo caweysnimadii ah," ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lagu qoray Website Natural Hazards, oo xogtaan daabacay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Dhul-gariir loo saadaaliyo Soomaaliya, inkasta ay horey uga dhaceen kuwa qaar, hadana Khubaradda ayaa ku tilmaamay Dhul-gariiraddaas dhacay kuwa "Sunaami ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM