Puntland: Diyaarado duqaymo ka gaystay Galgala

Image

BOSASO- Wararka ka imaanaya deegaanada dhaca buuralayda Calmadow ee gobolka Bari, ayaa sheegay in saddexdii habeen ee lasoo dhaafay duqaymo kala duwan ka dhaceen kuwaasi oo ay fuliyeen diyaarado ilaa hadda aan la aqoon haybtooda.

Duqaynta ayaa lala eegtay goobo ay daganaayeen dad reer guuraa ah iyo ceelal biyood laga cabi jiray.

Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay sida dadka deegaanka kusoo waramayaan, waxaana madaafiicda la tuuray haleeleen xoolo.

Goob jooge la hadlay VOA oo macagiisa qariyay, ayaa sheegay in ilaa Arbacadii diyaarado kasoo kacaya badda ay duqeeyeen goobo kala duwan oo katirsan buuralayda Galgala ee gobolka Bari, wuxuuna intaasi raaciyay inay jiraan dad duqayntaasi ka cararay oo ilaa hadda la ogayn goobta ay ku suganyihiin.

Wuxuu tilmaamay inaysan aqoon bartilmaameedka rasmiga ah ee duqayntan, balse ay qayb ka tahay kuwo horay deegaannadaasi uga fulisay xukuumadda Puntland.

Goob joogaha, wuxuu sheegay in meelaha la weeraray ay ku suganyihii mallayshiyaad katirsan Al Shabaab, kuwaasi oo xusay inay dhibaato ku hayaan dadka deegaanka, isagoo tilmaamay in marar badan dadka shacabka ah loo handaday.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli bishii lasoo dhaafay bambaanooyin dhulka lagu aasay lagu waxyeelleeyay ciidamo katirsan Puntland, kuwaas oo marayay inta u dhaxaysa Bosaso iyo Galgala ee gobolka Bari.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM