​Puntland: Doorashada kursiga kamid ah Aqalka hoose oo baaqatay iyo xildhibaano soo baxay

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Wajiga Labaad doorashada xildhibaanada Aqalka hoose u matalaya Puntland, ayaa maanta ka furmay magaalo madaxda Garowe, waxaana lagu doortay 6 kamid ah kuraasta loo yeeray ee ku biiri doona 12-kii Xildhibaan ee la doortay todobaadkii hore.

Xubnahan maanta loo codeeyay oo gaaraysay ilaa 6 mudane, ayaa ka socday, beelaha Leelkase, Carab iyo Aw-table, kuwaasoo ay kusoo baxeen;

  • Burhaan Aadan Cumar
  • Sakariye Maxamud Xaaji Aadan
  • Siciid Xuseen Ciid
  • Jaabir Maxamud Cabdille
  • Saciido Maxamed Xasan
  • iyo Sacdiyo Carays Ciise.

Waxaa baaqatay oo maanta doorashadeedu dib u dhacday kursiga ka imaanayay beesha Faarax Garaad ee Dhulbahante.

Lama oga sababta dib u dhacaasi keenay, balse warar ayaa sheegaya in xubintan oo ka imaanaysa gobolka Cayn, is hortaag ku sameeyya madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay guddiga doorashooyinka dadban ee heer Puntland.

Tallaabadan ayaa muujinaysa in xukuumaddu farogalin toos ah ku hayso xubnaha loo dooranayo Aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Somalia u matalaya Puntland.

Doorashadan, ayaa la sheegay inay ku jirto musuq-maasuq xoog leh iyadoo lacago tiro badan lagu bixinayo sidii ay u guulaysan lahaayeen xubno dowladuhu wataan.

05 November, 2016 tagay ayay ahayd markii Wasiir ku-xigeenka Amniga Puntland qof shacab ah ku dhawacay arrimo la xiriira doorashada xubnahan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM