​Puntland: Dowladda oo diyaargarow ku jirta iyo Gallan oo nawaaxiga Carmo tagay

Image
Image

BOSASO- Wararka soo gaaraya warsidaha Garowe Online, ayaa sheegaya in Guddoomiyihii hore gobolka Bari, Cabdisamad Maxamed Gallan, uu haatan ku sugan inta u dhaxaysa Kalabayr iyo Carmo ee gobolka Bari, isagoo wata ciidamo iyo gaadiidka dagaalka sida ay GO u xaqiijiyeen ilo wareedyo halkaasi ku sugan.

Wuxuu ka khudbeeyay degmada Carmo, isagoo sheegay inuu ka dhiganayo saldhig.

Arrintan ayaa keentay in dowladda Puntland samayso diyaar garow xooggan oo ku aadan ninka gadoodsan ee muddooyinkii dambe sida aadka ah u dhaliilayay siyaasadda xukuumadda madaxweyne Cabdiwali Gaas.

Dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo siyaasdeed  ayaa kasocda gobolka Bari, sida ay sheegayso xogta soo gaaraysa warsidaha GO.

Wararka ayaa sheegaya in wafti uu hogaaminayo Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga Shire Xaaji Farax ku soo wajahan yihiin magaalada Carmo kuwasoo la filayo iney wadahadal la galaan Gudoomiyihii hore ee gobolka Barri.

Lama oga tallaabada rasmiga ah ee xukuumaddu qaadi doonto, maadama Gallan uu wato ciidamo uu muddooyinkii dambe ka aruursanayay qaybo kamid degmooyin iyo tuuliyin katirsan gobolka Bari.

Dhinaca, waxaa socda dhaq-dhaqaaqyo ay wadaan, Xildhibaan, Siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda gobolka Bari, kuwaas oo raadinay in khilaafka labada dhinac lagu dhammeeyo wadahadal.

Gallan ayaa tallaabada ciidamo uruursiga ah ku dhaqaaqay kadib markii horaantii sannadka 2016 lagu weeraray hoygiisa magaalada Bosaso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM