Puntland: Duqaymo ka dhacay Nawaaxiga Qandala

Image

BOOSAASO, Puntland- Wararka laga helayo degmada Qandala ee gobolka Bari, ayaa sheegaya in diyaarado aan la aqoon cidda iska leh duqaymo ka gaysteen deegaan lagu magacaabo Dhaadaar.

Goobaha la weeraray ayaa la rumaysanyahay inay ku suganyihiin xoogag katirsan Daacish. Majirto faah faahin dheeraad ah oo laga helayo weerarkaas, balse sarkaal katirsan laamaha ammaanka Puntland oo la hadlay Garowe Online ayaa xaqiijiyay in weerarkan uu dhacay dhowr jeer ilaa shalay.

Lama sheegin khasaaraha duqayntaas oo loo badinayo inay gaysteen diyaaradaha Maraykanka ee aan duuliyaha wadan.

Shabacka ku nool degmada Qandala iyo nawaaxigeeda ayaa sheegay inay maqleen Jugta Duqaymaha lala dhacay fariisimadaas, kuwaasoo bilowday habeen hore.

Dhinaca kale, warar aan ka helayno Galgala ayaa sheegaya in howlgal halkaas ay ka bilaabeen ciidamada Puntland, kuwaasoo ay deegaanada buuraha ah kaga sifaynayaan mallayshiyaad katirsan Al Shabaab.

Maaha markii ugu horaysay oo howlgallo ka dhan ah ururradaas ay ka dhacaan gobolka Bari, balse duqayntan ayaa imaanaysa xilli sannadkii hore mallayshiyaad ka amar qaata Cabdulqaadir Muumin ay qabsadeen degmada Qandala oo kamid ah meelaha ugu muhiimsan gobolka Bari.

Wax war ah oo rasmi ah kama soo bixin Puntland.

Gobolka Bari, waxaa ku sugan kooxo Argagixiso ah oo xiriir la leh Daacish iyo Shabaab.

 GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM