Puntland: Duqaymo ka dhacay Nawaaxiga Qandala

Image

BOOSAASO, Puntland- Wararka laga helayo degmada Qandala ee gobolka Bari, ayaa sheegaya in diyaarado aan la aqoon cidda iska leh duqaymo ka gaysteen deegaan lagu magacaabo Dhaadaar.

Goobaha la weeraray ayaa la rumaysanyahay inay ku suganyihiin xoogag katirsan Daacish. Majirto faah faahin dheeraad ah oo laga helayo weerarkaas, balse sarkaal katirsan laamaha ammaanka Puntland oo la hadlay Garowe Online ayaa xaqiijiyay in weerarkan uu dhacay dhowr jeer ilaa shalay.

Lama sheegin khasaaraha duqayntaas oo loo badinayo inay gaysteen diyaaradaha Maraykanka ee aan duuliyaha wadan.

Shabacka ku nool degmada Qandala iyo nawaaxigeeda ayaa sheegay inay maqleen Jugta Duqaymaha lala dhacay fariisimadaas, kuwaasoo bilowday habeen hore.

Dhinaca kale, warar aan ka helayno Galgala ayaa sheegaya in howlgal halkaas ay ka bilaabeen ciidamada Puntland, kuwaasoo ay deegaanada buuraha ah kaga sifaynayaan mallayshiyaad katirsan Al Shabaab.

Maaha markii ugu horaysay oo howlgallo ka dhan ah ururradaas ay ka dhacaan gobolka Bari, balse duqayntan ayaa imaanaysa xilli sannadkii hore mallayshiyaad ka amar qaata Cabdulqaadir Muumin ay qabsadeen degmada Qandala oo kamid ah meelaha ugu muhiimsan gobolka Bari.

Wax war ah oo rasmi ah kama soo bixin Puntland.

Gobolka Bari, waxaa ku sugan kooxo Argagixiso ah oo xiriir la leh Daacish iyo Shabaab.

 GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM