Duqeyn ka dhacday Goob Al-Shabaab iyo Daacish ku dagaalameen

Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Sideed xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay weerar dhinaca cirka ah oo diyaarad dagaal ay ka fulisay tuuladda Miraalle oo 28-KM dhinaca Bari uga beegan magaalada Boosaaso, ee xarun goboleedka Bari.

Duqaynta oo la sheegay inay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka ayaa lala eegtay goobo maalmihii lasoo dhaafay ay ku dagaalameen Al-Shabaab iyo Daacish.

Ciidamada PSF ee Mareykanka uu taageero ayaa lagu soo waramayaa inay ka qeyb-qaateen howlgalka, iyagoo dhanka dhulka ah ka weeraray degaanka, kadib markii diyaaradaha ay duqeeyeen.

Labo maalin kahor, Kooxda xiriirka la leh Daacishta fadhigeedu yahay Iraq iyo Syria ee uu hogaamiyo Cabdiqaadir Muumin ayaa sheegtay in ay dishay 14 Shabaab ah kadib weerar ay ku qaadeen saldhig nawaaxiga Miraalle ku leeyihiin.

Taliska Mareykanka ee Afrika [AFRICOM] wali kama uusan hadlin duqaynta.

Al-Sabaab iyo Daacish ayaa kusoo xoogeystay dhulka buulareyda ah ee gobolka Bari shantii sano ee Madaxweyne Cabdiweli Gaas uu xukumayay Puntland, waxayna labada kooxood ay hadda ku loolamayaan dhaqaalaha ay ka qaadaan ganacsiga Boosaaso.

Cabdiweli Gaas ayaa maanta isku soo sharxay doorashada January 8, 2019 xilli amniga Puntland oo faraha ka baxay, islamarkaana dhowr jiho duulaan looga soo qaadey iyo dhibaatooyin kale oo shaqo la'aan iyo dhaqaale xumo kamid yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM