Puntland: Gaas oo caawa ka dagay Garoowe

Image

GAROWE, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland, ayaa caawa dib ugu soo laabtay magaalo Madaxda Puntland ee Garoowe, kadib safarkiisii gobollada dhexe ee uu kaga qayb galay shirkii lagu dhammaystirayay heshiiska Ahlu Sunna iyo maamulka Galmudug.

Madaxweyne Gaas ayaa garoonka diyaaradaha Canoco kasoo dagay salaadii Maqrib kadib.

Imaanshaha Madaxweynaha Puntland oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaa kusoo beegmay xilli maanta magaalada Garoowe uu ka dhoofay Guddoomiyaha Barlamanka, Axmed Cali Xaashi, oo booqasho qaadan doonta shan cisho u aaday dalka Nigeria.

Sidoo kale wuxuu safarkiisan yimid xilli xiisad colaadeed ay ka taagantahay gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Tukaraq halkaas oo ay isku horfadhiyaan ciidamo katirsan maamullada Puntland iyo Somaliland, iyadoo laga cabsi qabo inuu dagaal ka qarxo goobtaas oo maalmihii u dambeeyay ciidamo ay gaynayeen labada dhinac.

Warar aan la xaqiijin ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweynaha Puntland safar ku tagi doono dalka Ethiopia.

Gaas imaanshihiisa Garoowe iyo safarkiisii gobollada dhexe faah faahin kama uusan bixin.

Madaxweyne Gaas oo muddooyinkii dambe ku mashquulsanaa booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku marayay gobollada Puntland, ayaa ka hor inta uusan kasoo dhoofin Dhuusamareeb, wuxuu booqday goobihii uu kusoo bar-baaray ee uu kusoo qaatay waxbarashadiisa asaasiga ah.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM