Puntland: Gaas oo caawa ka dagay Garoowe

Image

GAROWE, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland, ayaa caawa dib ugu soo laabtay magaalo Madaxda Puntland ee Garoowe, kadib safarkiisii gobollada dhexe ee uu kaga qayb galay shirkii lagu dhammaystirayay heshiiska Ahlu Sunna iyo maamulka Galmudug.

Madaxweyne Gaas ayaa garoonka diyaaradaha Canoco kasoo dagay salaadii Maqrib kadib.

Imaanshaha Madaxweynaha Puntland oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaa kusoo beegmay xilli maanta magaalada Garoowe uu ka dhoofay Guddoomiyaha Barlamanka, Axmed Cali Xaashi, oo booqasho qaadan doonta shan cisho u aaday dalka Nigeria.

Sidoo kale wuxuu safarkiisan yimid xilli xiisad colaadeed ay ka taagantahay gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Tukaraq halkaas oo ay isku horfadhiyaan ciidamo katirsan maamullada Puntland iyo Somaliland, iyadoo laga cabsi qabo inuu dagaal ka qarxo goobtaas oo maalmihii u dambeeyay ciidamo ay gaynayeen labada dhinac.

Warar aan la xaqiijin ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweynaha Puntland safar ku tagi doono dalka Ethiopia.

Gaas imaanshihiisa Garoowe iyo safarkiisii gobollada dhexe faah faahin kama uusan bixin.

Madaxweyne Gaas oo muddooyinkii dambe ku mashquulsanaa booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku marayay gobollada Puntland, ayaa ka hor inta uusan kasoo dhoofin Dhuusamareeb, wuxuu booqday goobihii uu kusoo bar-baaray ee uu kusoo qaatay waxbarashadiisa asaasiga ah.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM