Puntland: Ganacsade lagu dilay Boosaaso xilli amniga sii xumaanayo

Image

BOOSAASO, Puntland - Dabley hubeysan oo loo maleynayo inay katirsan yihiin Kooxda Daacish, ayaa dil qorsheysan ka fulisay magaalada Boosaaso, ee xarunta gobolka Bari, ahna xarunta Ganacsiga Puntland.

Dilkan ayaa loo geystay Ganacsade lagu magacaabi jiray Axmed Cali Dalaq, kaasoo la sheegay inuu lahaa Shirkad Ganacsi oo lagu magacaabo Sabir Business center, oo ku taalla magaalada Boosaaso.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta ka dambeysa dilka Ganacsadaha, waxaana Illo xog-ogaal ah u sheegeen Warsidaha Garowe Online in uu diiday lacago baad ah, oo Kooxda Daacish waydiisatay, taasoo lagu soo rogay xaruntiisa Ganacsiga.

Allah ha u naxariistee Axmed Ali Dalaq ayaa la khaarijiyay Khamiistii lasoo dhaafay, waxaan dilkiisa fuliyay rag bastoolado ku hubeysan, kuwaasoo goobta ka baxsaday, sida dad goobjoogiyeyaal ah u sheegeen GO.

Labo qof oo kale oo la socotay Ganacsdaha ayaa lagu dhaawacay weerarka, oo illaa hadda aaney jirin cid sheegatay mas'uuliyadiisa, balse saraakiisha Booliska ayaa xusay sameeyeen baaritaan, balse aan natiijadda la shaacin.

Waa dilkii ugu dambeeyay dilal is-daba-joog ah oo ka dhacayay mudooyinkii lasoo dhaafay magaalada Boosaaso, iyadoo Xukuumadda Madaxweyne Cabdiweli Gaas lagu eedeeyay inay ku fashilantay amniga Puntland.

Maalmo kahor waxaa Boosaaso ka dhacay weerar lagu dhaawacay Garsoore katirsan Maxkamadda sare ee Puntland, oo lagu magacaabo Saciid Cabdi Muumin. [Halkan ka akhri warka].

Shantii sano ee ay jirtay Xukuumadda Gaas, waxaa Puntland kusoo xoogeystay Kooxaha Arggaxisada Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaasoo hadda lacag canshuur baad ah ka qaada Ganacsiga Boosaaso.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM