Puntland: Ganacsatada oo ka welwelsan amar lagu soo rogey gadiidka ka imaanaya Koonfurta Somaliya

Image

GAROWE: Kadib markii qarax khasaare badan gaystey ka dhacey magalaada Galkacayo 21 August, 2016 ayaa amar baaritaanno lagu soo rogayo gadiidka ka imaanaya Koonfurta Somalia waxaa uu sababey inuu gamacsatada Puntland welwel ka muujiyaan.

Qoraal ku taariikhaysan 24 August, 2016 oo kasoo baxay xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Puntland islamarkaana ah ku simaha Madaxeynaha Puntland ayaa lagu  amrayaa wasaarada howlaha guud iyo arimaha gudaha iney gadiidka ka imaanaya Koonfurta Somalia badeecadaha ku dajiyaan magalaada Galkacayo halka kuwa Puntland aysan la dhaafin karin xamuilka ay sidaan xarunta gobolka Mudug.

Gadiidka ka yimaada Koonfurta Somalia ayaa degaanada Puntland keena badeecada qudaarta iyo Xoolaha nool ee ka dhoofa dekada magaalada Bossaso.

Dhinaca kale gadiidka  ka taga magaalada Bossaso ayaa sidoo kale raashinka kasoo daga dekada xarunta ganacsiga Puntland waxaa la geeya Koonfurta Somalia iyo dhulka Somalida dagan Ethiopia.

Go'aankaas ayaa horey waxaa u soo saarey Wasiirka Arimaha gudaha Puntland muddo sanad ka hor balse waa shaqeyn waayey kadib markii cabasho adag ka timid ganacsatada.

Inta badan gadiidka isaga goosha Koonfurta Somalia iyo Puntland ayaa waxaa lahaanshahooda wadaaga ganacsatada labada dhinac.

Dadka la socda amniga Puntland iyo Somalia ayaa aaminsan in taalabadaan waxba ka tareyn adkeynta amniga guud ee gobolka balse tahay cunaqabateyn dhaqaale   ay isku soo rogtey xukuumada Madaxwyne Gaas.

HOOS KA AKHRI QORAALKA MADAXWEYNE KU XIGEENKA



GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM