Puntland "Go'aanka Qaadka lagu joojiyay nama khuseeyo" [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Dowladda Puntland ayaa ka hadashay go'aanka xukuumadda Somalia ku joojisay diyaaradaha Jaadka kasoo qaada dalka Kenya, kaasoo la sheegay in 06 September laga bilaabo magaalooyinka dalka aysan imaan karin.

Afhayeenka xukuumadda Puntland oo mar dhaweyd la hadlay warbaahinta Radio Garowe ayaa tallaabadaasi ku macneeyay mid aan khuseyn deegaanada Puntland, isagoo intaasi ku daray in waddanku yahay Federalka maamulka kastana arrimihiisa u madax bannaan yahay.

Quraan jecel ayaa ku baaqay in diyaaradaha Kenya imaan karaan garoomada Puntland islamarkaana xuduudu u furantahay ganacsada Somalida.

Hadalkan ayaa yimid xilli galabta xukuumadda Somalia ku dhawaaqday inay hakisay Qaadka ka yimaadda dalka Kenya sabab aysan caddayn, waxayna intaasi ku dartay inaysan jiri karin diyaarad Geedkaasi sada oo tagta gobollada dalka.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada ayaa ku goodiyay inay tallaabo ka qaadi doonaan diyaaraddii isku day tallaabadaasi.

Maaha markii ugu horraysay oo Puntland kasoo horjeesato go'aamo kasoo baxay dowladda Federalka Somalia, balse arrintan ayaa kusoo beegan xilli madaxweynaha Cabdiwali Gaas ku suganyahay magaalada Muqdishu halkaasoo maalinta barri ah ka furmi doono shirka madasha wadatashiga Qaran ee looga hadlayo doorashooyinka 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM