​Puntland: Guddoomiyaha Barlamanka oo hadlay

Image

GAROWE, Puntland- Guddoomiyaha Barlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo arrimo caafimaadka dalka Hindiya ugu maqnaa ayaa soo gaaray magaalo madaxda Puntland ee Garowe isagoo ka hadlay isagoo la hadlay mas'uuliyiin iyo shacab soo dhaweyn u sameeyay.

Xaashi ayaa sheegay inuu dalka caafimaad uga maqnaa balse uu la socday xaaladaha jira isagoo carrabka ku dhuftay dhaq-dhaqaaqyada Somaliland dhawaan ka waday gobollada Sool iyo Sanaag, wuxuuna uga digay inay samayso tallaabooyin khaldan islamarkaana faraha la gasho dhul aysan maamulin sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka Barlamanka ayaa sidoo kale diray Hambalyo ku aadan 18 guurada aas-aaskii Puntland, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsanyahay hormarka la gaaray, wuxuuna shacabka ugu baaqay in halkaas laga sii wado.

Mar uu ka hadlayay koobka kooxda matalaysay Puntland kusoo guulaystay wuxuuna ugu hambalyeeyay sumcadda ay usoo jiideen dhulkooda isagoo u rajeeyay inay daris la noqdaan guusha.

Axmed Cali Xaashi ayaa muddo ka maqnaa Puntland, wuxuuna imaanshihiisu kusoo aadayaa xilli uu socdo Kalfadhiga 37-aad ee Barlamanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM