​Puntland: Guddoomiyihii gobolka Gardafuu oo is-casilay

Image

GAROWE, Puntland- Guddoomiyihii gobolka Gardafuu ee Puntland Cabdulqaadir Yusuf Maxamed Iidii ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay jagaadaasi kadib shir jaraa'id oo warbaahinta ugu qabtay magaalada Garowe.

Iidi ayaa waxaa uu sheegay in sababta uu xilka kaga tagay tahay arrimo isaga u gaara, isagoo xusay maalmahan ku howlanaa sidii howshan uga tagi lahaa.

Gudoomiyaha ayaa soo hadal qaaday in shaqo katagistan ogeysiiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland gaar ahaan wasiir Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Mas'uulka xilka ka tagay ayaa waxaa la soo mgacaabay 6dii July, 2014 isagoo ku yimid digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxeynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Mudadii uu xilka hayay waxuu sheegay inuu ku guuleystay dhismaha golayaal deegaan oo loo sameeyay degmooyin katirsan gobolka Gardafuu, gaar ahaan degmooyinka Bareedo iyo Gumbax.

Wuxuu xusay inuu gobolku mudadii uu joogay wadashaqayn fiican la yeeshay Wasaarrado katirsan xukuumadda isagoo sheegay in gobolku ahaa mid aysan ka jirin wax wada shaqayn ah oo fiican isaga ka hor.

Guddoomiyaha xilka banneeyay ayaa xusay inuu rajaynayo shakhsi ka fir-fircoon islamarkaana ka dhaq-dhaqaaq fiican in madaxweynaha Puntland gobolka usoo magacaabo isagoo u mahadceliyay dhammaan intii lasoo shaqaysay mudadii Gardafuu joogay.

Odoyaasha dhaqanka gobolkaasi ayuu ku ammaanay wadashaqaynta fiican ee ka dhaxaysay isagoo sidoo kale mahadcelin ujeeday mas'uul xil kasoo qabtay gobolka Nugal iyo Afhayeen xukuumadda Puntland oo ku ammaanay sidii ay dalka ugusoo dhaweeyeen waqtigii lasoo magacaabay.

Ugu dambayntii Bahda saxaafadda ayuu sidoo kale ku ammaanay kaalintii ay ka qaateen gurmadyadii loo sameeyay gobolka waqtigii duufaanta iyo wadashaqayntii kala dhaxaysay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM