​Puntland: Haweenka oo ka hadlay liiska Aqalka Sare

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Shir maanta isugu yimaadeen haweenka Puntland, waxay uga hadleen qoondada laga siiyay liiska Aqalka Sare ee madaxweyne Gaas xalay ku dhawaaqay, waxayna sheegeen inaan laga dhabayn hishiiskii madasha ee haweenka u ogolaanayay inay helaan 30%.

Kulanka oo ka dhacay xarunta PDRC, waxaa dumarka kala soo qayb galay mas'uuliyiin katirsan xukuumadda gaar ahaan wasiir ku-xigeenka Haweenka iyo Beeraha.

Caasho Geelle Diiriye oo kamid ahayd haweenkii meesha ka hadlay, ayaa sheegtay in dumarku xaq u leeyihiin in la siiyo qoondadooda, waxayna tilmaamtay inay dadaal ku jireen tan iyo markii la shaaciyay inay leeyihiin boqolkii 30%.

Waxay sheegtay inaysan ku qanacsanayn liiska madaxweyne Gaas soo magacaabay iyadoo xubnaha hadda kamuuqda Murashaxiinta la shaaciyay ku sifaysay kuwo madaxa loo galiyay siyaasiyiin magac leh oo awood ah kaga adkaanaya doorashada ay wajahi doonaan.

Waxay u mahad celisay maamulka Koonfur Galbeed oo ay sheegtay inuu meel saaray xubnihii haweenka.

Dhinaca kale Faadumo Jibriil oo ah madaxa hay'adda ADESO, ayaa sheegtay in haweenku yihiin kuwa dusha saarsaday mas'uuliyadda Qoyska kadib markii Aaboyaal badan ku fashilmeen maaraynta nolosha, waxayna xustay inaysan jirin wax ka mancinaya inay ka mid noqdaan siyaasadda, inkastoo ay sheegtay inaan dumarka aan lala doonayn inay xilal ka qabtaan Somalia.

Hadalkan ayaa yimid xilli maamullada dalka Somalia ku dhawaaqeen xubnahooda u matalaya Aqalka Sare waxaana xusid mudan in doorka haweenku aad u yaraa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM