PUNTLAND: ​Idaacado joojiyay Baahinta VOA iyo BBC oo fursad heshay

Image

GAROWE, Somalia - Dhamaan Idaacadaha sida gaarka ah loo leeyahay ee ka howlgala Puntland, ayaa joojiyay gabi ahaanba baahintii Barnaamijyada iyo Wararka Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da.

Maamullada Warbaahinta Maxaliga ah ee Puntland, ayaa go'aansaday inay joojiyaan Baahinta VOA-da, kadib markii VOA-da joojisay wadashaqeyntii ay joojisay, sidoo kalena jebisay heshiisyadii ay horey ula gashay.

Waxay sheegeen in VOA-da, ay ka waayeen Taageero qalab iyo Tababaro isagu jiray, oo ayhorey u siin jirtay Shaqaalaha iyo Wariyaasha ka tirsan xaruumaha wadashaqeynta kala dhaxeeysay. 

Idaacadaha ugu afka dheer ee ku yaalla Puntland, sida Radio Garowe, SBC iyo Daljir, ayaa kamid ah xaruumaha warbaahineed, ee joojiyay baahinta VOA-da, waxaana dhageystiyaashooda ku kala sugan dhamaan gobollada Puntland hadda ku xirmeen Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da.

Labo Bilood kahor ayay soo billaabatay joojinta, iyadoo Radio Garowe uu noqday Warbaahintii ugu dambaysay ee joojisa Baahinta VOA-da, taasoo dhageystayaasha ugu badan ee Puntland ay ku xiran yihiin.

Idaacadda BBC-da ayaa fursad weyn u heshay inay gasho booskii VOA-da, maadaam qeybta BBC Media Action ay si joogto ah Idaacadahan uga taageerto dhinac Tababarada iyo Qalabka.

Madaxda iyo Agaasiimiyaasha Idaacadaha ayaa sheegay in Wakiiladda VOA-da ee Puntland ay markii ay la xiriireen u sheegeen inaysan waxba ka qaban karin cawashooda, balse ay uu gudbin doonaan maamulka sare.

Maamulka Sare ee VOA Somali ayaan wali ka hadlin arintan joojinta lagu sameeyay baahintooda FM-yada ka howlgala Deegaanada Puntland.

Idaacadda Codka Mareykanka, ee (VOA) ayaa heshiis lacageeda kula jirta Idaacado FM ah oo ku yaalla magaalada Muqdishu, halka kuwa Puntland-na ay ka joojisay taageeradii ay siin jirtay, oo Tababarada iyo Qalabkii isagu jirtay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM