Puntland: Injineero Chinese ah oo booqday Eyl

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

EYL, Puntland- Injineero kasocday waddanka China ayaa booqday degmada Taariikhiga ah ee Eyl oo katirsan gobolka Nugal, xilli dhawaan la filayo in la dhiso wadada isku xirta degmadaas iyo Garoowe.

Sagaal Injineer oo katirsan shirkadda dhisaysa wadada ee CECC, ayaa safarkoodu la xariiray sidii ay qiimayn ugu samayn lahaayeen jidkan oo la filayo in dhawaan la bilaabo shaqadiisa, waxayna la kulmeen maamulka degmada Eyl.

Wararka uu socdaalkaas ka helay Garowe Online, ayaa sheegaya in sidoo kale Injineeradan socdaalkooda ugu kuur-galayeen qorshe lagu dhisayo deked kalluumaysi oo ay yeelato degmadaas.

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Eyl Faysal Khaliif Wacays ayaa Radio Garowe u sheegay in socdaalkan khubaradan ay aad usoo dhaweynayaan islamarkaana la kulmeen oo ay kawada hadleen sidii dhakhso loogu bilaabi lahaa wadadaasi.

Wacays ayaa intaas raaciyay in dadka reer Eyl ay ka go'antahay sidii loo dhisi lahaa wadadaas, wuxuuna sheegay in si wanaagsan ay u maamuuseen oo ay la kulmisiiyeen dadka deegaanka.

Dhinaca kale warar ayaa sheegaya in Injineeradan ay aadi doonaan deegaanka Garacad ee gobolka Mudug, halkaasoo ay qiimayn kusoo samayn doonaan deked la filayo in laga dhiso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM