Puntland: Is-rasaaseyn ka dhacdey qaybta Booliska gobolka Barri

Image

BOSSASO, Puntland- Waxaa caawa fiidkii is-rasaaseyn ku dhexmartey ciidamo ka tirsan Booliska gobolka Barri xarunta qaybta kadib  markii khilaaf dhexmarey saraakiisha ciidamada gobolkaas. 

Dhowaan ayey aheyd markii taliyaha qaybta gobolka Barri Cabdixakim Yusuf Xuseen khilaaf dhexmarey ku-xigeenkiisa Candicasiis Toogax kaasoo xil ka qaadis Madaxweynaha Puntland wax ka ogyahay lagu sameeyey.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Barri ayaa  kadib Sarkaal kale oo magaciisa lagu soo koobay Jaraale waxaa loo magacaabey ku-xigeekiisa kaasoo taliyaha KMG Booliska Puntland Madaxweynaha ku amrey.

Wararka ayaa sheegaya in Taliye Toogax uusan ku qancin xil ka qaadista lagu sameeyey isaga oo qoraal kale yimid madaxtooyada lagu amrayo in dib loogu celiyo shaqadiisa balse arinkaas waxaa ka  biyo diidey ku xigeenka cusub.

Hadaba is-rasaaseynta caawa 26 June,2016 ka  dhacdey qaybta Booliska gobolka ayaa dhexmartey labadaan sarkaal iyada oo wararku sheegayaan in taliyaha qaybta Booliska gobolka uu ciidamada ilaaladiisa kala Baxay taliska islamarkaana uusan gacan ka gaysan joojinta gacan ka hadalkaan.

Wararka ayaa sheegaya in isku dhacaan ay soo dhex galeen gudoomiyaha gobolka iyo ku xigeenkiisa kuwasoo kulamo la qaadanaya labada Sarkaal.

Isku dhacaan ayaa qayb ka ah khilaafyada soo badanaya ee u dhexeeya saraakiisha ku howlan Amniga Puntland taasoo loo aaneynnayo go' aanada kala duwan ee madaxda sare ee maamulka taasoo ilaa  heer maaxweyne gaarsiisan.

Dhowaan ayey aheyd markii is-rasaaseyn dhexmartey ilaalo ka kala tirsan saraakiisha u sareysa Amniga Puntland rasaas ay fureen ku dhinteen saraakiil  Halka  uu ku dhaawacmey Wasiirka Amniga Puntaland.

Dhacdadaan ayaa ilaa iminka aan sharciga la horkeenin askartii gaysatey fal dambiyeedkii halkaas ka dhacey iyada talaabada kaliya ee Madaxweynaha Puntland qaadey aheyd isaga oo xilka ka qaadey taliyaha Booliska Puntland.

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM