​Puntland: Iskuulo Aqoonsigii lagala noqday

Image

GAROWE, Puntland- Qoraal kasoo baxay xafiiska wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, ayaa lagu sheegay in wasaaraddu shaqadii ka cayrisay Guddoomiyaashii  waxbarashada gobolka Mudug Bashiir Axmed Khalaf iyo degmada Galkacyo Maxamed Cabdi Faarax. Shakhsiyaadkaas ayaa lagu eedeeyay shaqo gudasho la’aan.

Sidoo kale Qoraalkan oo ku taariikhsan 28 bishan asii maanta la shaaciyay ayaa sidoo kale lagu sheegay in Aqoonsigii lagala noqday Labo Iskuul oo kamid ah dugsiyada sare Puntland ee ku yaalla magaalada Galkacyo.

Iskuulaadkan oo kala ah Mideeye (Al-raxma) iyo Cabdullaahi Yusuf  ayaa lagu eedeeyay inay wada shaqayn la yeelan waayeen wasaaradda Waxbarashada Puntland islamarkaana aan loo bogin nidaamkooda aqooneed.

Arrintan ayaa ka dambaysay kadib markii wasaaraddu guddi baarayaal ah u dirtay gobolka Mudug si ay u qiimeeyaan xaaladda waxbarasho iyago aqooneed.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu magacaabay Guddoomiyaal KMG ah oo ka shaqayn doona arrimaha waxbarashada inta laga samaynayo kuwo rasmi ah.

Maamulka gobolka Mudug iyo Taliska qaybta ayaa wasaaraddu fartay inay la socdaan in loo hogaansamo awaamiirtan.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday xilli Labo Bilood ka hor lagasoo laabtay fasaxii sannad dugsiyeedkii 2016-2017.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM